|

Madaxweynaha Somalia oo Goor dhawayd Muqdisho ka soo degay,Muxuu kala soo Laabtay Baydhaba

Muqdisho 01.April 2014 (SDN)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo socdaal shaqo oo qaatay labo cisho ku joogay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.

Xasan-Sheekh-iyo-Jawaari-300x199Wafdiga madaxweynaha oo ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ay soo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka kala tirsan goleyaasha xukuumadda iyo baarlamaanka Somaaliya.

Wali lama sheegin natiijada socdaalka wafdiga uu hoggaaminayo madaxweynuhu, waxaana lagu wadaa in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu safar shaqo oo deg-deg ah u aado dalka dibaddiisa.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa Baydhabo u tagay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen xallinta khilaaf siyaasadeed oo ka jira magaaladaasi.

Guddoomiya baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa wali ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog@gmail.com

Comments are closed