|

Xoghayihii Xisbiga Kulmiye ee Canada oo is-casilay,maxey tahay sababtu?

TO: XISBIGA KULMIYE.

OG: MADAXDA IYO MASUULIYINTA XISBIGA KULMIYE EE TORANTO CANADA.

Taariikhda: 23-3-2014’

 

Ujeedo: Is Casilaad aan iska Casilay Xilkii Xoghayntii Xisbiga Kulmiye MagaaladdaToranto Canada.

Marka hore waxan salaam   xushmad iyo qadariin mudaan ku salaamaya dhamaan madaxda iyo masuuliyiinta xisbiga kulmiye gaar ahaan gudoomiyaha xisbiga kulmiye ee waqooyiga America  mudane mustafe carte iyo gudoomiyaha maxamed cabdilahi iyo taageerayasha xisbiga kulmiye meelkasta oo ay joogan .

Anigoo ah xoghayihiixisbiga KULMIYE ee magaalada Toranto ee dalka Canada ’’MUDANE BARKHAD XAAJI CABDI’’MRGABOYE’’ waxaan halkan si kalsooni buuxda ugu cadeeynaya madaxda iyo masuuliyiinta xisbiga kulmiye gaarahaan masuuliyiinta xisbiga kulmiye ee ii doortay xilkaan sanadkii hore dhamadkiisa ee ku sugaan dalka Canada inan maanta oo ay taariikhdu tahay 23-3-2014- aan iska casilaay xilkii xoghayaha xisbiga kulmiye eeToranto dalka Canada ,, waanay ku mahadsan yihiin dhamantoodba ..

 

Ka dib markaan arkay inan guudahaanba Qadariintii iyo mudnaantay ku lahaayeen xisbiga kulmiye iyo xaquuqdii muwaadiniinta beelaha gabooyea anay jiriin, lagana tagay xubnihii beelaha gabooye xaqa ugu lahaayen   inay beelahaan ku yeeshan Saami Qaybsiga beelaha reer somaliland ku  qabsadeen Gudiddii Ergooyinka xubnaha shirweynaha gudiga fuliinta xisbiga kulmiye ee lagu dhawaaqay todobaadkii hore ayaa waxaan go,aan kugaaray inan sidaa xilkii xoghaynimo ee xisbiga kulmiye iyo xubinimadiiba aan iskaga casilo maanta laga bilaabana aan ka madax bananahay Xisbiga Kulmiye.Waaney Mahadsan Yihiin Xisbiga Kulmiye iyo Taageerayashooduba .

Waxaan Somaliland U Rajaynaya Guul iyo Sinaan iyo Cadaalad ..

Wabilahi towfiiq..

 

Gudoomiyaha QurbaJoogta Beelaha Gabooyaha Somaliland Ee Waqooyiga America.

.By- Barkhad Xaaji Cabdi ”MrGaboye’’

Email:abokoriye1@hotmail.com
Kicthener Ontario Canada.

Comments are closed