|

Milateriga dalka Turkiga oo soo riday diyaarad dagaal iyo Raysul-wasaare Erdogan oo hambalyeeyay, maxay tahay sababtu?

Ankara 23, March 2014 (SDN/CNN)- Ciidamada dawladda Turkiga ayaa Axadda toogasho ku soo riday diyaarad dagaal oo Suuriya leedahay, kadib markii diyaaraddu ku xadgudubtay marin-haweedka Turkey, sida uu sheegay Raysul-wasaare Recept Tayyip Erdogan.

“Diyaaraddahayaga F-16s (diyaaraddaha dagaalka), waxay kor ugu duuleen hawada, waxayna toogteen oo soo rideen diyaaraddaas. Waayo? Sababtoo ah haddaad qasto marin-hawadeedkayga, markaa hadda laga bilaabo, dhirbaaxadayadu waxay noqon doontaa mid adag,” ayuu Raysul-wasaare Erdogan u sheegay taageerayaashiisa oo isu-soobax ololaha doorashada ka sameeyay Waqooyiga-galbeed ee Turkiga.

Turkey shoots down Syrian planeRaysul-wasaaruhu waxa uu ciidamada Milateriga dalkiisa ku hambalyeeyay soo ridista diyaaradda dagaal ee Siiriya ee uu sheegay inay ka gudubtay marinkeeda, kuna xadgudubtay marinta hawada dalkiisa.

Sida la sheegay, dhacdada ridista diyaaraddu waxay ka dhacday meel gudaha u ah gobolka xuduudka ah ee waqooyiga, una dhow degaamada halka ay jabhaddaha Siiriya iyo ciidamada xukuumadda Madaxweyne Bashaar Al-Assad ugu dagaalamayaan gacan-ku-haynta maamulka marin-xuduuddeeda Siiriya iyo Turkiga, sida ku waramay weriyaha BBC-da, James Reynolds.

Dhinaca kale, siday uu sheegay Telefishanka CNN, warbaahinta dawladdu maamusho ee Siiriya, waxay falka soo-ridista diyaaradda ku tilmaamay; ‘cadho-gelin badheedh ah’.

Qurbejoog.com, Ankara

Comments are closed