Rag Hubeysan oo weeraray Kaniisad ku taal agagaarka Mombasa iyo Khasaaraha ka dhashay
Mumbasa,23,marh,2014 (SDN)-Labo nin oo wajiyada soo xidhay, kuna hubeysnaa qoryaha fud fudud,ayaa xoog ku galay maanta oo Axad ah Kaniisad ku taal agagaarka magaalada Mombasa, iyagoo rasaas ku furay dad ku cibaadeysanayay kaniisada.
Wararka ayaa sheegaya in dableydan hubeysan ay labo ka mid ah ku dileen dadkii gudaha kaniisada ku jiray, halka 10-kalena ay dhaawaceen.
“Labo nin oo hubeysan oo wajiyada xisdhnaa ayaa soo galay kaniisada, kadib waxay bilaabeen inay rasaas nala dhacaan”sidaas waxaa u sheegtay wakaalada wararka ee Reuters Margaret Mwangi.
Dableydan hubeysan ayaa goobta ka baxsaday, waxaana gaadhay kaniisada uu weerarka ka dhacay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Kenya.
Magaalooyinka Kenya ayaa waxaa ka dhacayay weeraro qaraxyo u badnaa oo ay ka dambeeyeen kooxo looga shakisan yahay inay xidhiidh la leeyihiin Al-Shabaab.
Ammaanka magaalada Mombasa ayaa maalmihii la soo dhaafay aad loo adkeeyay, kadib markii ciidamada booliska ay qabteen labo nin oo gaadhigooda ku watay bambaanooyin, iyadoo uu jiray shaki laga qabay weeraro ka dhaca magaalada xeebta ku taal.
Mombasa.SDN.
contact@somalidiasporanews.com