Hanti Dhawrka Guud ee Qaranka oo Saaka Waagu ugu Baryay Xafiisyada Dawlada Hoose ee Gebilay iyo Aragtida Maayarka Gebilay
Gebilay 23.March 2014 (SDN)- Kal-fadhigii shanaad ee golaha deegaanka degmada gabilay,ayaa saaka ka furmay hoolka shirarka ee dawladda Hoose ee degmada Gabilay,halka uu saaka magaalada ku waabariistay Hanti dhawraha guud ee Qaranka Somaliland magaalada Gabilay.
Kalfadhigan shanaad ee golaha deegaanka Gebilay oo ay ka soo xaadireen 18 xildhibaan, qodobada lagaga hadli doonana waxa faah faahiyey maayerka degmada Gebilay ahna gudoomiyaha golaha deegaanka Shacayb Maxamed Muuse waxaanu yidhi “Waxa furmay kalfadhigii shanaad ee golaha deegaanka Gebilay dhinaca kale marka laga eegana kal fadhigi koowaad ee sanadkan 2014 waxaana ka soo qayb galay 18 xildhibaan ajandayaasha lagaga hadli doono oo ugu horayso miisaaniyada golaha ayuu hor yaala, sida uu sharcigu dhigayana waxa uu socon doonaa inta ugu badan labaatan cisho inta ugu badana waxa uu socon doonaa ina laga dhamaynayo ajandayaasha golaha hor yaala.” Ayuu yidhi maayar Gebilay Shacayb
waxaa kaloo uu ka hadlay Maayer Shacayb waxa ka jira wararka sheegaya inuu jiro khilaaf ka dhex jira golaha deegaanka ee degmada Gabilay,waxaanu yidhi
“Waxaan shalay warbaahinta qaarkeed ku arkayey in goluhu is khilaafsan yahay, mana jiro wax khilaaf ah oo golaha ka dhex jiraa, mana jiro gole is haya, golaha deegaanka ee Gebilayna waxa uu la mid yahay golayaasha deegaanada dalka, xildhibaanada golaha deegaankuna gacmaha ayuu is haystaan.”
Waxaa kaloo uu Maayerka degmada Gabilay ka hadlay sida ay u arkaan xildhibaanno ahaan Hanti dhawrka Qaranka eek u waabariistay degmada Gabilay,waxaanu yidhi.
“Waxaan ku soo kalahaa xafiiskayga si aan hawshayda u guto, xoghayaha, xildhibaanada joogtada ah iyo maayar ku xigeenkuna waa ila mid waana wax iska caadi ah inuu qofku shaqadiisa ku soo kalaho oo uu guto wax cusubna maaha, hanti dhawrkuna inuu yimid waa wax jira waxaanan u aragnaa inay gudanayaan shaqadoodii ay Qaranka wakiilka uga ahaayeen wax mushkilad ahina ma jiro, wixii khilaaf ah ee jiray goluhu hore ayuu uga wada hadlay kana heshiiyey wixii rayi ah ee laysku khilaafsanaana meel ayaa layskugu keenay, hanta dhawrkana cidi ma soo dirto balse shaqadood ayey u yimaadeen anaguna waxaanu ku taageersanahay inay shaqadooda wataan.” Ayuu yidhi Maayar Shacayb Maxamed Muuse.
Gebilay SDN.
Qurbejoog.com