|

Madaxweynaha Punt land oo Kormeer ku soo Maray Saldhiga,Xabsiga iyo Degsiimooyin Magaalada Boosaaso ah SAWIRO

Boosaso 23.March 2014 (SDN)- Madaxwaynaha Puntland Prof.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta booqashaduu ugu horaysay ka sameeyay magalada Bosaso isagoona socod ku tagay saldhigyo iyo xabsiga wayn ee magalada.

Socdaalkiisa waxaa ku weheliya wasiiradda arrimaha gudaha ,Amniga sarakiisha ciidanka iyo masuuliyiin kale wuxuna ka bilaabay saldhigyadda gudaha magalada ku yaal wuxuna ka xog waraystay taliyaasha jooga isagoona ku ammaanay sida ay howshu u socoto.

Sidoo kale madaxwaynaha Puntland ayaa tagay xabsiga wayn ee duleedka koonfureed ee magalada ku yaala waxana halkaa ku xiran dad danbiyo kala duwan galay oo ay ka mid yihiin burcad badeednimo iyo Shabab.

Dr.Gaas ayaa indhihiisa ku arkay dadka ku xiran xabsiga oo shaqooyin kala duwan haya kuwaasoo loogu dhaqan celinayo taliyaha ciidanka Asluubta Puntland Gen.Cali Nuur Cumar ayaa xaalada Xabsiga madaxwaynaha uga war bixiyay.

Meelaha kale ee uu booqday Gaas iyo waftigiisa ayaa ka mid ah xarunta ay ku jiraan dadka danyarta ah ee soo barakacay wuxuna tilmaamay madaxwaynuhuu inuu wax ka qaban doono baahiyo jira.

Ugu danbayntii afhayeenka madaxtooyada Cabdilaahi Quraal jecel oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay socdaalka madaxwaynaha inuu qayb ka yahay mid uu ugu guur galayo daruufaha ay dadku ku nool yihiin.

Maalinta barito ah ayaa lagu wadaa inuu booqdo dekadda iyo garoonka diyaaradaha Bosaso.

IMG_1683 IMG_1688 IMG_1692 IMG_1694 IMG_1712 IMG_1723 IMG_1734 IMG_1737 IMG_1747 IMG_1757 IMG_1762 IMG_1768 IMG_1774 IMG_1777 IMG_1792 IMG_1808 IMG_1815 IMG_1835 IMG_1842 IMG_1846 IMG_1849

Boosaaso SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed