“Deegaanadii aanu Marnay intooda badan kamay Jirin Isgaadhsiin,Marka Madaxweynaha agtiisa laga Sheego anigaa Naxayay” Wasiirka Boosaha {DHAGAYSO}
Hargaysa 23.March 2014 (SDN)- Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Mudane Maxamed Jaamac Abgaal ayaa maanta ka waramay Dhamaystirka dhisme Cusub oo Wasaaradiisa loo samayay iyo Qalabkii lagu Midayn lahaa Shirkadaha Isgaadhsiinta.
Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiintu Waxa uu sheegay inay u diyaariyeen Hawlwadeenadii Wasaarada ee Qaban lahaa hawsha isku Xidhka Shirkadaha.
Mudane Maxamed Jaamac Abgaal Waxaa kale oo uu ka hadlay Socdaalkii Dheeraa ee Weftigii uu hogaaminayay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ay ku soo Mareen Deegaamo badan oo ka Tirsan Dalka waxaanu sheegay in Jiidaha ay soo Mareen inta badan aanu ka Jirin adeega Isgaadhsiintu isagoo intaas ku daray inuu maanta u qoray Shirkadaha Isgaadhsiinta Warqad Furan oo uu kaga dalbanayo inay dadku ku nool Jiidahaasi ay gaadhsiiyaan adeega Isgaadhsiineed isla markaana aanay eegin goobaha lacagtu ka soo gelayso.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA WASIIRKA
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Wasiirabgaal23.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com