“Sidan aan imika u caafimaad qabo labadii sano ee ugu danbeeyey umaan caafimaad qabin” Suldaanka Guud ee Subeer awal
Hargaysa 23.March 2014 (SDN)- Suldaanka Guud ee Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdillaahi ayaa Safarkii Madaxweyne Siilaanyo ku maray meelo badan oo dalka ka mid ah ku sifeeyey waajib qaran soo Madaxweynaha saarnaa islamarkaana uu gutay.
Suldaanka oo arimo Caafimaad ugu sugan Magaalada Diri-dhaba ee Dalka Ethiopia ayaa ugu horayn sheegay inuu caafimaadkiisu aad u fiican yahay. Waxa uu meesha ka saaray warar la isla dhex marayay oo sheegayay inuu aad u xanuunsanayo islamarkaana Koome ku jiro.
“Alxamdulilaah xaaladayda caaafimaad aad iyo aad ayey u fiican tahay oo markii hore ee aan halkan imid aad ayaan u xanuunsanayey laakiin imika si fiican ayaa la ii daaweeyey oo Ilaahay mahadi ha ka gaadhee aad ayaan u wanaagsanahay. Mida kale sidan aan imika u caafimaad qabo labadii sano ee ugu danbeeyey umaan caafimaad qabin oo imika ayaan ugu wanaagsanahay oo xaaladaydu way iska soo taraysay oo waan fiicanahay, markaa dhakhtar aad u wanaagsan ayaanan halkan ka helay oo aad iyo aad ayaan u caafimaad qabaa 100%.” Ayuu yidhi Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan oo Xalay Khadka Telefoonka ugu waramayay Wargeyska Haatuf.
Suldaanka oo mudo laba Bilood ah halkaasi arimo Caafimaad u joogay ayaa sheegay inuu si mugle isha ugu hayay waxaalaha ka socda Dalka gaar ahaana safarkii Madaxweynaha Somaliland ku maray Xeebta, Gobolada Galbeedka iyo bariga. “Xaalada guud ee dalka taako-taako ayaan ula socday oo dabcan socdaalkaas madaxwaynuhu ku soo maray dalka intiisa badana waan la socday, safarkaasna waxaan u arkaa anigu waajibaad qaran oo uu madaxwayne Axmed Siilaanyo fuliyey, adigu markaa waxa uu noqonayaa wax lagu farxo sababta oo ah dee markii hore dadku waabay is waydiinayeen oo waxay lahaayeen madaxwaynuhu muxuu qabanayaa oo dadku way la’aayeen oo inuu joogo iyo inuu maqan yahay ayaa la kala garan-waayey laakiin socdaalka madaxwaynaha ee xeeb ilaa xeeb uu ku soo maray waxa uu dhalaaliyey baraf fara-badan oo haystay kursiga Madaxwaynaha, run ahaantiina waxaan ku tilmaami karaa guul uu Ilaahay garansiiyey oo uu ku soo gudanayey waajibaadkiisii distuuriga ahaa ee xogogaal u noqoshada xaalada deegaanadda dalka, waanan uga mahad celinayaa oo aan ku dhiiri-galinayaa.
Mida kale waxaan xukuumadda ku bogaadinayaa dhismaha jidadka dalka oo run ahaantii ah arrin mihiim u ah qaranka oo lagu hirto, waxaanan bulshadda reer Somaliland gudo iyo dibadba leeyahay si hagar-la’aan ah uga qayb-qaata horumarinta dhulkiina hooyo, xukuumaduna way ku mahadsan tahay jihaynta ay jihaysay dadka ee ilaa caruurtii yaryarayd ee Iskuuladu ay ka qayb-qaadanayaan dhismaha wadooyinka dalka”. Ayuu yidhi Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com