Uganda Oo Cabsida ay Shabaab ka Qabtaa Gaadhay Inay Ikhtiraacdo Unug Boolis ah Oo Loogu Talo Galay Ilaalinta Dadka Dalxiisayaasha ah
Kambala:23-March-2014(SDN)-Saamaynta ay Kooxda Alshabaab ee Ka Dagaalanta Somalia ku Yeelatay Hab-dhaqankii Dawladaha Jaarka la ah ayaa si weyn isu Beddelay.
Dawladda Dalka Uganda oo ay ciidamo ka Joogaan Somalia ayaa markii ugu horraysay ku Dhawaaqday innay Samaysay Ciidamo Boolis ah oo si Gaar ah loogu Talo Galay inay Ilaaliyaan Dadka Dalxiiska ku imanaya Dalkaas si Looga Hortago Shaki laga Qabo Kooxda Alshabaab.
Uganda ayaa dhawaan shaacisay inay heshay warbixin ku aadan in Alshabaab ay doonayaan qaraxyo inay ka geystaan magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi Uganda, sida saraakiisha ay sheegeen.
“Booliska dalxiisayaasha waa muhiim, maxaa yeelay waxay ka hortagayaan qataraha la doonayo in dalxiisayaasha lala eegto marka ay wadanka yimaadaan”sidaasi waxaa AFP u sheegay Patrick Onyango oo ah afhayeenka ciidanka booliska dalkaasi.
Dalka Uganda ayaa la sheegaa inuu yahay wadanka labaad ee ugu dalxiiska badan bariga qaarada Africa waxaana la sheegay in dhaqaalo badan uu kasoo galo dowlada Uganda.
Dowlada Uganda ayaa todobaadkan soo saartay warbixin ku aadan in Alshabaab ay qorsheynayaan qaraxyo ay ka geystaan koobaha shidaalka, taasi oo dhalisay in feejignaan dheeri ah la geliyo ciidamada amaanka ee dalkaasi.
Sanadkii 2010 Alshabaab ayaa sheegtay inay dileen 76 ruux kuwaasi oo ku sugnaa Goob ciyaar laga daawanayay, iyagoo jawaab kaga dhigay joogitaanka ciidamada Uganda ee dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyntii ciidamadaasi ayaa waxaa loo daabulay goobaha muhiimka ah ee dalxiisayaasha ay booqdaan, sida beerta qaranka, hoteelada iyo gobo kale, sida afhayeenka booliska uu sheegay.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com