|

Cutubyo Hubaysan oo Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Saaka Ku Sugan Lasqoray iyo Madaxweyne Gaas Oo Wax Ka Beddelaya Ajandaha Sagarkiisii

Lasqoray:23-March-2014(SDN)-Sida ay  sheegayaa wararka  ay Shaqabadda Qurbejoog.com ka Helayso Degmada Lasqoray, waxa Xalay Fiidkii hore Halkaas Gaadhay Cutubyo ka Tirsan Ciidanka qaranka Somaliland oo si Aad ah u hubaysan, kadib markii la ogaaday inuu Madaxweynaha Puntland Halkaas ku soo Fool leeyahay.

aramCiidankan oo Saanadooda Militeri u dhamaystiran Tahay ayaa Ka Dhaqaaqay Furinta Hore ee ciidanka qaranku Markii hore ku Sugnaa oo aan Gaadhsiisnayn Deegaanka Lasporay, waxana ay si Rasmi ah u Gaadheen Lasqoray oo uu Toddobaadkii hore Madaxweyne  Siilaanyo Safar ku tegay.

Ciidanka ayaa la sheegayaa inaanay wax dhibaato ah Halkaas kala kulmin, iyagoo Meelo Gaar ah Fadhiisimo ka samaystay.

Dhinaca kale wararka ka imanaya Magaalada Bosaso ayaa sheegaya in Madaxweyne Cabdiweli oo Halkaas ku sugani uu Markii uu Warkaas Helay wax ka Beddel  ku sameeyey Ajandaha Safar uu markii hore ku qoondeeyey inuu  ku soo Gaadho Lasqoray iyo Goobo kale oo ku Yaalla Badhan, waxana la sheegaya inuu Haatan walaac ka qabo inuu Deegaankaas Gaadho, maadaama ay ciidanka Somaliland Ku sugan yihiin.

Sababta ay ciidanka Somaliland Halkaas u Gaadheenn ayaa ah  warar ka soo Baxay Madaxweynaha Puntland oo sheegaya inuu Gaadhayo Magaalada  Magaalada Lasqoray iyo deegaamada ku dhaw, waxana ay taasi keentay in Somaliland Ciidankeeda hore u dhaqaajiso.

Deegaanada Lasqoray iyo Meelaha kale eek u dhaw ayaanay inta badan Somaliland Gacanta ku Haynin balse waxa ay ka mid yihiin Xudduuda somaliland, iyadoo Puntland Qudheedu si guud u sheegato Deegamadaas oo Dadkeedu gacantooda isku Maamulaan.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed