|

Universal Tv oo Hab ka Baxsan Anshaxa Saxaafada iyo Qiyamka Dadnimada Uga Hadlay Shilkii uu ku Dhaawacmay Wasiirka Warfaafinta Somaliland DAAWO

London 22.March 2014 (SDN)- Telefishanka Universal ayaa si ka baxsan Anshaxa Saxaafada Waxay uga Hadleen Shilkii Maalintii Khamiistii uu Galay Wasiirka Warfaafinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse Xili uu Weftiga Madaxweyne Siilaanyo hogaaminayay ay ku soo fool lahaayeen Magaalada Berbera isla markaana Sababay inuu dhaawac ka soo gaadho Wasiir Cukuse oo gaadhigii uu saarnaa uu xaga danbe ka galay Gaadhiga Wasiirka Caafimaadka.

Barnaamijka Faaliyaha Qaranka ee Universal ka baxay Caawa ayaa lagu soo qaatay Shilkaas oo ay sababtiisa ku Macneeyeen in Wasiirka Warfaafintu uu Cabsanaa amase Sakhraansanaa arrintan ayaa dad badani u arkaan Cadho ka kacday Xayiraadii ay Xukuumada uu Wasiir Cukuse ka Tirsan yahay ku diiday inuu Universal ka hawl galo Somaliland.

London SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed