|

“Waa In Laga Digtoonaadaa Khataraha Al-shabaab, KULMIYE waa xisbi waayo arrag ah oo 12 Jir ah” Muuse Biixi

Hargaysa 22.March 2014 (SDN)-Guddoomiyaha xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti ka tacsiyadeeyay xubno ka tirsan ciidamadooda ku sugan Soomaaliya oo ku dhintay dagaal dhex maray kooxda Al-shabaab, waxaanu ku baaqay in dalalka mandaqadu ay ka digtoonaadaan halista kooxdaasi.

Muuse Biixi Cabdi2Guddoomiyaha KULMIYE  oo xalay u warramayay TV-ga Horn Cable, waxa uu ku dooday in xisbigoodu yahay mid waayo-arrag ah oo 12 sanadood soo jiray isla markaana aan ka cabsi qabin in lagaga adkaado doorashooyinka dalka ka dhici doona.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu sheegay in loo baahan yahay in dalalka Geeska Afrika ay ka digtoonaadaan khatarka kooxda Al-shabaab, waxaanu dawladda Jabuuti ka tacsiyadeeyay askar ka tirsan ciidamadooda oo ku dhintay Soomaaliya, waxaanu yidhi “Wali ma hayno meel lagu naafeeyay Al-Shabaab iyo hubkoodii iyo guutooyinkoodii, waxaanay isticmaalayaan  marka ay arkaan in ciidan iyo hub badani ku soo socdaan ay hubkoodii qariyaan ciidamadana dharka ka badalayaan, waxaana suurogal ah in kolba meeshii culays laga saaro ay ka  tagaan. Guud ahaan Geeska Afrika  waxaanu Illaahay  uga baryayaa in nabad-gelyo ku soo celiyo, waxaanu tacsi u diraynaa  dadka dagaaladaa ku dhintay ee ay ka mid yihiin ciidamada  walaalaheenna reer Jibuuti.Xukuumadeena iyo guud ahaan shacbiga Somaliland waxaan u soo jeedinayaa in ay ka digtoonaadaan khataraha kooxdaas

Guddoomiye Muuse Biixi, ayaa cadeeyay in xisbigaasi uu diyaar u yahay in doorashadu xilligeeda ku dhacdo waxaanu yidhi “Xisbiga KULMIYE iyo xukuumadiisu waxay diyaar u yihiin in doorashadu xilligeeda ku dhacdo wax cabsi ah oo naga hayaana ma jirto, marka aan sidaa ku leeyahayna maaha macnaheedu annaga xukuumad baanu nahay oo dadkaanu jidh jiidhaynaa  ee waxaa weeye annagu waxaanu nahay xisbi weyn oo jiray  12 sano,  shacbigana kalsooni weyn ayaanu ku qabnaa,  shacbigayaga kii shalay na doortay iyo kuwa ku soo biirayba waxaanu qabnaa in aanu qancin doono, waxaanu nahay dad doorashada yaqaana wax dhulka naga yaalaana ma jiraan diyaar baanu u nahay doorashada.”

Guddoomiye Muuse Biixi oo wax laga waydiiyay asbaabaha dib u dhigay dhawr jeer shirweynihii saddexaad ee xisbigaas, waxa uu yidhi  “Wax dib u dhac la yidhaa  ma jiro, waxa  gabo-gabo ku dhow ergooyinkii Haddii ALLE yidhaahdo  maalmaha soo socda ay soo dhamaadaan, waana wax iska caadi ah in shirweyneyaasha noocaas ahi maalmo dib u dhacaan waana shir weyne gobolada dalka iyo dibadaba laga imanaayo aadna waan uga xumahay dib u dhacyadaa hore ee shirka xisbiga Kulmiye imikase waa la qabanaayaa shirkii xisbiga.”

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed