Cabasho ka Soo Yeedhay Ganacsatada Yar Yar ee Booram oo ka Cabanaya Kuwooda Waaweyn
Boorama 22.March 2014 (SDN)-Gudoomiye kuxigeenka ururka ganacsatada yar yar ee tukaan layda ee marka la soo gaabiyo loo yaqaaan AWDAL SHOPKEEPERS ASSOCIATION (ASHOPA) Axmed Maxamuud Obsiiye oo uwaramayay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in mudooyinka danbe ganacsatada waawayn ee ku nool magalada boorama ay la soo baxeen hab-dhaqan aan hore loogu aqoon ganacsiga oo ah mid dhiigmiirad ah, taasoo ay keeneen sadexda qaybood ee uu ka kooban yahay ganacsigu ay faro maroojisteen marka laga bilaabo
A. soo dajinta Ganacsiga
B. Wax iibka Jumlada.
C. wax iibka Tafaariiqda.
in sadexdaas qaybood ba ay iibinayaan (Qalinbaa ugu yaroo ) ganacsatadii aan ka soo iibsanaynay alaabaha kala gadisan kadib markaan taas ogaanayna aan u ban dhignay ganac satadaas una sheegnay in arintaasi ay tahay mid khalad ah oo meel ka dhac ku ah ganacsatada yar yar , balse wax jawaab ah oo na qancisa arintaasi aanan kala kulmin ayuu yidhi, gudoomiye ku xigeeenku, taasoo hadii wax laga qaban na ku keeni karta bulshada ku hawlan ganacsiga yar yar, dhaqaale bur bur, barakac horleh, tahriib, iyo xasilooni daro ka dhacda dalka.
sidaasi darteed waxan ka codsanaynaa wasiirka wasaarada ganacsiga iyo maal gashiga jamhuuriyada somaliland iyo xukuumada in arintaasi si deg deg ah wax looga qabto, oo ay fara galin ku sameeyaan arimaha ganacsiga isla markaana la dardar galiyo siyaasada qaran ee ku waajahan ganacsiga jamhtuuriyada somaliland si loo xakameeyo ganacsatada ku hawlan hab-dhaqankan aan horay u jirin ee ganacsi, si meesha looga saaro isku dul noolaanshaha
hase ahaatee, wax uu intaa ku daray hadii arintaas wax laga qaban waayo in dhawaan ay u qorshaysan tahay inay ku dhaqaaqaan shaqo ka fadhiisi si tabashadoodani u noqoto mid meel marta.
Boorama SDN.
Qurbejoog.com