Xaasaska meliishaadka Al Shabaab oo la faray in ay Kismaayo isaga baxaan
Kismaayo Mar 22,2014(SDN)-Waxa uu maamulka Jubooyinka khaasatan maamulka Kismaayo ay soo saareen goaan oo lagu farayo qoysaska ciidamadii Shabaabka ee magaaladaas laga saaray ay gebi ahaanba isaga baxaan magaaladaasi.
Goaanka ayaa laga shaaciyay gawaari ay saarnaayeen sameecado ama cod baabiyeyaal waaaweyn oo magaalada Kismaayo ku dhex meereysanayay.
Maamulka Kismaayo ayaa hore ciidamada iyo qoysaska Shabaabka uGu baaqay in ay isaga baxaan guud ahaan magaalada Kismaayo haadii kalena maamulku uu tilaabo sharci ka qaadi doono.
Maamulka Kismaayo ayaa ku eedeeyay xaasaska kooxda Al Shabaab in ay u basaasaan ciidamada Al Shabaab oo weli ku dhuumaaleysanaya degaanada Jubooyinka.
Taariikhda colaadaha Soomaaliya waa markii u horeysay ee maamul uu degaano ka saaro dumar u dhaxay koox ay dagaalamayaan,waana mid sababi kareysa in colaadaha Soomaalida u horseedo cawaaqib xumo hor leh.
SDN-Kismaayo