Kiiska Haweenaydii Dhawaan Maykeeda Godka Laga Helay Oo Jiitamaya, Ciidanka Booliska Iyo CID-da Oo Cagojiidaya iyo Maxkamadii Oo Meel ay Wax Ka Bilowdo La’
Hargeysa:22-March-2014(SDN)-Haweenaydii dhawaan Godka gurigeeda ku dhex yaalla laga Helay Maydka Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle Oo Muddo la La’aa ayaa Rummaan Toddobo Cisho ahaa oo Maxkamaddu u Dirtay uu Haatan Madaxa La Galay Toddobaadkii Saddexaad.
Haweenaydan Xidhan oo Magaceeda La Yidhaahdo Muna Maxamed Cabdilaahi, ayaa waxa lala Qabtay Tiro ka mid ah Ubadkeeda, waxana sida muuqata aan Wali Maxkamada loo Keenin Muuqata si looga Midho Dhaliyo Heerka uu gaadhsiisan Yahay Dhagartii Qayladeedu Meesha Dheer Gaadhay ee Bishii HOre Hargeysa Ka Dhacday.
Warar ay helayso Shabakadda Qurbejoog.com ayaa sheegaya in Baadhitaankii Galay Cago-jiid dhinaca Booliska ka Yimi, iyadoo Saraakiil Ciidanka Ammaanka Ka Tirsan lagu Tuhmay inay hortaagan yihiin in kiiskan laga Gun Gaadho xilli Horeba.
Maxkamadda ayaa wali Booliska iyo qaybta Baadhista ka sugaysa inay isku soo dubbariddo Caddaymaha ay hayaan si Kiiska loo Gudo Galo, balse Wali Ciidanku Arrintaas uma ay Hagar Bixin oo xaggooda ayey Qabyo ka Tahay.
Saddex Toddobaad ka hor markii Haweenaydan iyo Carruurteeda Maxkamadda la Keenay, waxa Halkaas laga Sheegay in Toddoba Cisho oo Rumaan ah loo Diray, haddase muddo badan ayaa ka soo Wareegtay, sababtana wali lama Garanayo.
Sida ay sheegeen Ehelka Marxuumadda Geeriyootay markii horeba waxa jirey Tuhun ay Ehelladu ka qabeen Saraakiil Boolis ah oo kiisku intii uu qoyanaa ee uu dhawaa ka Cago jiiday inay wax ka qabtaan, kuwaas ayaana Haatan abuuray Shaki kale oo qayb ka ah Dib u dhaca ku yimi Kiiskan.
Dhacdadan oo ahayd midii ugu Hadal Haynta iyo Saamayynta Badnayd Somaliland, ayaa sidoo kale Goob kasta oo Dalka ka mid ahba ay Dadku si weyn isu weydiinayaan Sababta keentay Aamuskan Dheer ee ay maxkamaduhu u Hawlgeli la’ yihiin.
Ehellada Marxuumadda oo Kiiskan ku daba jira ayaa in badan ka Ashkatooday Jiitanka iyo dib u dhaca jira, waxana mar walba lagu wargelinayaa kaliya in Baadhitaan la wado, mana jirto wax sabab ah oo kale oo lagu qancinayaa.
Todobaadkan Haatan bilowga ah ayaa la filayaa in Maxkamadda la hor keeno Eedaysanayaashaas, balse lama Garan karo si wax u rumoobi doonaan, maadaama Kiiskii ka dhamaystirmi la’yahay Dhinaca Ciidanka Booliska.
S.D.N