|

Rag u kala dhashay dalalka Israel iyo Morocco oo Kenya u qabatay in ay Shabaab ka mid yihiin

Nairobi Mar21,2014(SDN)-Dawalada Kenya ayaa qabqabatay isla markaana eedeymo argegixiso ku soo oogtay rag u kala dhashay dalalka Israel iyo Morooco.

Ragan ayaa dhawaan maxkamad ka hor qirtay in ay dalkaasi ku galeen sifo sharci daro ah isla markaana muteystay xarig sanad ah.

Ragan oo kala ah Jabreen Axmed oo sidoo kale loo yaqaano Axmed Maxamed Salias iyo Haruun Osaama oo u dhashay dalka Israel iyo  Maxamed Saalim iyo Dauud.

Eedaha argegixiso eee ragan lagu soo oogay ayaa wax aka mid ah in ay ka tirsanaayeen kooxda Al Shabaab iyo in ay siteen qalab argegixiso.

Ragan ayaa la qabqabtay kolkii ay police ka la xiriireen dad ay jaar ahaayeen oo sheegay in ragan aaney aqalka ka bixin.

Maxmakada Nairobi ee dhegeysay dacwadaha ragan Ayaan u ogolaan in ay qabsadaan qareeno u dooda isla markaana u qabtay uun turjumaan.

Ragan u kala dhashay dalalka Israel iyo Morooco ayaa waxa ay maxkamada ka hor sheegeen in aaney wax argegixiso ah ku lug laheyn.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed