Madaxtooyada Somaliland Oo Dibadda Uga Yeedhay Nin ay u Aragto Inuu Buuxin Karo Booskii Suldaan Siciid Cabdisalaan Oo Puntland u Janjeedhsaday
Hargeysa:21-March-2014(SDN)-Xukuumadda Somaliland Oo In Muddo ahba ku Foognayd Sidii ay Deegaanada Badhan uga Heli lahayd Oday dhaqameed Mus-dambeed ay Ka Dhigato, ayaa Haatan Gacanta ku dhigtay mid ka mid Salaadiinta Dhaqanka ee Gobolkaas ka Soo Jeedda, balse Qurbejoog ah.
Xukuumadda ayaa Dibadda uga Yeedhay Suldaan C/laahi Maxamuud Suldaan oo ka soo jeeda Qoyska Reer Maxamuud Cali Shire, oo ah Qoys Si Weyn Looga Ixtiraamo Deegaanadaas.
Casuumaddan ay Xukuumaddu u Fidisay Suldaan Cabdilaahi Maxamuud, ayaa Looga Gol Leeyahay in lagu Buuxiyo Booskii uu Banneeyey Suldaan Siciid Cabdisalaan oo ay is Fahmi waayeen Hoggaannadii Dambe ee Somaliland soo Maray tan iyo Wixii ka Dambeeyey Madaxweyne Cigaal.
Madaxtooyada Somaliland ayaa Waxba ka Fahmi weyday Siyaasadda Suldaan Siciid Cabdisalaan oo ay Dhawr goor Madaxtooyada ku casuuntay, waxana uu isla Markiiba u jihaystay Dhinaca Maamulka Puntland oo uu Haatan u heellan yahay.
Xukuumadda ayaa isku Qancisay inuu Suldaan C/laahi Maxamuud Suldaan Buuxin karo Booska ay ka tebayso Deegaanka Badhan, waxana uu Haatan ku sugan yahay Hargeysa, isagoo Kulamo la leh Madax Sare oo Madaxtooyada ku xidhan.
C/laahi Maxamuud Suldaan wuxuu ka mid aha Xubnihii aadka u Taageeri Jiray Xisbiga Kulmiye, balse inta Badan muu iman jirin dalka oo qurbaha ayuu iskaga Noolaa.
Madaxtooyada ayaa si weyn ugu jeellan inay Deegaankaas ku Yeelato Oday Dhaqameed adag oo u fududeeya Hawlaha ayaa Halkaas ka waddo, waxana ay haatan ku Mashquulsan tahay sidii ay Suldaankan Qurbejoogga ah ugu Cumaamadi lahayd inuu Booskaas Buuxiyo.
S.D.N