Muran iyo Isqab-qabsi Hor leh oo Ka Taagan Marsada Muqdisho Oo Shirkad Gaar ah Lagu Wareejiyey, Muruq-maalka Iyo Ganacsatada Oo Amarro Cusub Lagu Soo Rogay
Muqdisho:21-March-2014(SDN)-Sida ay Sheegayaa wararka Hoose ee aanu ka Helayno Deggedda Magaalada Muqdisho, waxa jira Xiisad Ka Taagan Hannaanka Dekedaas Loo Maamuli doono xilli aanay ku jirin Gacanta Dawladda Federalka ah.
Dekedda ayaa la Sheegayaa in Si Hoose loogu Wareejiyey Shirkad Turki ah oo lagu magacaabo Favori, waxana uu Haatan khilaaf Badani soo kala Dhex Galay Dadka Muruq-maalka ah ee Halkaas ka Xammaasha iyo Maamulka Shirkadaas oo aan Shaqada dadka ka Raalli ahayn.
Dadka Marsada ka Xammaasha ayaa Helay tallaabooyin ay Shirkaddu ku doonayso inay Gebi ahaanba Meesha kaga Saarta Shaqada ay dekedda ka Hayaan, iyadoo Taas Beddelkeedana ku Foogan inay Keensadaan Dad Turki ah oo shaqadaas qabanaya.
Muruq-maalka ayaa Tallaabadaas si aad ah uga Dhiidhiyey, waxana ay bilaabeen inay si weyn isu abaabulaan, isla-markaana u diyaargaroobaan sidii ay shaqadoodu u difaaci lahaayeen, waxana taasi muujisay isku dhac dhex yimaadda shirkadda Dekedda gacanta loo geliyey iyo Xamaaladatada.
Warqado ayaa maalin ka hor lagu soo dhajiyey irida Dekada Muqdisho oo shaqaalaha Somaliyeed ee Muruq maalka ahaa lagu wargelinayey inay shaqooyin kale raadsadaan maadama aysan Shirkada Favori ogolaan doonin xamaalato Somaliyeed oo Dekadaasi ka howlgala waxaana taasi ay keentay buuq iyo dacwado loo gudbiyey Madaxweynaha Somaliya.
Isweydiinta kale ee guuxa iyo qeylo dhaanta dhalisay ayaa ahayd in Favori ku wargelisay ganacsatada Somaliyeed inay xafiis Dekada Muqdisho ka furi doonaan oo qofka uu qori doono inta tan ee loo soo qaadayo iyagana ay Turkiga kasoo daabulayaan wixii ay ganacsatada Somaliyeed dalbadaan halka markii hore ganacsatada iyo maraakiibta dadka soo kireysta ay wada xaajoon jireen.
Tallaabooyinkan isku dhaca ah ayaa si weyn looga Hadal Hayaa Guud ahanba Muqdisho waxana si weyn uu warwar u soo foodsaaray Muquqmaalka inta badan Noloshooda ku soo Debberayey xamaaliga ay Dekedda ka Hayaan, waxase Taas sii Xoojinaya Amarkan cusub ee Shirkadda Favori kusoo Rogtay Dadka Ganacsatada ah ee Alaabooyinka Dibadda ka Dalbanaya oo aan hore u jiri jirin.
S.D.N