Wasiir Cukuse oo Dhaawiciisa Lagu Dabiibayo Cisbitaalka Guud ee Hargaysa
Hargaysa 20.March 2014 (SDN)-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta,Wacyigelinta iyo Dhaqanka Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa dhaawac Jabniin Gacanta ah iyo Jugo kale ka soo Gaadheen oo ka dhacay Duleedka Tuulada Hudisa ee Gobolka Saaxil ,kadib markii ay Saaka isku dhaceen gaadhigiisa iyo gaadhiga Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise.
Labada Wasiir oo ka Mid ahaa Weftigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa gawaadhidoodu isku dhaceen taas oo keentay inuu Qalibmo gaadhigii Wasiirka Warfaafinta .
Cisbitaalka Guud ee Magaalada Berbera ayaa si ku meelgaadh ah loo geeyey mas’uuliyiintii saarnayd labadaasi gaadhi si loo hubiyo xaaladooda caafimaad iyadoo Madaxdii kale iyo Ciidankii labada Gaadhi Saarnaa aanay Wax weyni ka soo Gaadhin Shilkaas Marka Laga reebo Wasiirka Warfaafinta oo Gacanta Midig ka Jabay, Dhaawacyo kalena ka soo gaadheen Wejiga,
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa ku booqday Cisbitaalka Berbera isagoo ilaahay uga baryay inuu Caafimaad buuxa Siiyo.
Wasiirka Warfaafinta,Wacyigelinta iyo Dhaqanka Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa loo soo gudbiyey Cisbitaalka Guud ee Caasimada Hargaysa oo lagaga daawaynayo dhaawacyadii ka soo gaadhay Shilkaas.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com