Hindise Cusub oo Dameeradii Biyaha u dhaamin Jiray Hargaysa loogu Bedelay Mootooyin
Hargaysa 20.March 2014 (SDN)- Xawaaraha horumarka sancooyinka ayaa sanadba sanadka ka dambeeya dalka laga dareemayaa. Waxa todobaadyadii la soo dhaafay magaaladda Hargeysa ku soo kordhay Mooto saddex lugood leh oo taangi biyood dusha laga saaray oo biyaha u dhaaminaysa sidii gaadhi dameerka oo kale.
Xuseen Aadan Daa’uud (Fanax) oo hore ugu shaqayn jiray gaadhi dameerka, ayaa taangigiisii ku xidhay mooto uu hadda ku hawl-gallo.
Mr. Fanax isaga oo shalay ka dhaaminaya xaafada Jigjiga Yar ee magaalada Hargeysa, ayaa nooga warramay horumarka uu ku sameeyay gaadhi dameerkiisii.
“Waxaan ku shaqaynayay muddo sadddex bilood, taangiga saaran wuxuu qaadaa 400 ltr oo u dhiganta 2 foosto. runtii shidaal badan kuma baxo maalinta oo dhan waxaan isticmaalaa 4 ltr, waxay u dhigantaa kharashkii dameer cowska iyo arabikhida loo siin jiray,”ayuu yidhi Mr. Fanax.
Sidee ayay u arkeen macaamiisha biyaha uu u dhaamiyo mootadan uu biyaha ku dhaamiyo Mr. Fanax, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Haa, way soo dhaweeyeen, haddii ay tahay qiimaha jaban, haddii ay tahay deg-dega ay biyaha u helayaan iyo nadaafad ahaanba. imika foostada biyaha waxaan ku iibinaa 9000 SL/Sh halka markii hore dameer ku shaqayn jiray 12000 SL/Sh ku iibin jirnay.”
Xuseen Aadan Daa’uud waxa uu ugu baaqay saaxiibadiisa wali gaadhi dameerkii ku sii shaqeeya inay u digo-rogtaan sancadan cusub, waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay saaxiibayaal mar kasta maanka ku haya sidii aad sancadan cusub ugu guuri lahaydeen, tan ayaa ah mid aad innoogu fudud oo dameerkii aynu jiidaynay inooga dhib yar oo imika kama dhacdid nin baabuur booyad ah wata.”
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com