|

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Punt Land oo Kormeer ku Tagay Qardho SAWIRO

Qardho 20.March 2014 (SDN)- Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo saaka  ka anbo baxay magalada Garowe ayaa gaaray magalada Qardho xarunta Gobalka Karkaar.

Dadwayne kale duwan oo ay horkacayaan mamulka Gobalka iyo kan degmada ayaa magalada kusoo dhaweeyay wafdiga Dr.Gaas.

Madaxwayne Gaas oo dadkii soo dhaweeyay la hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qaabka loosoo dhaweeyay wuxuna tilmaamay inay ka go’an tahay sidi isbadal muuqda Puntland looga arki lahaa isla markasna looga gudbi lahaa nidaamka qabaa’ilka oo ay hadda Puntland ku dhisan tahay.

”Waxan balan qaadnay in dowladu aysan noqon dowlad ku kooban caasumadda,ay noqoto dowlad dhulkeeda iyo dadkeeda ka war qabta,mida kale waxan rajaynayaa xildhibaanadu inaysan Garowe fadhin in la tago dalka in laga war qabto dadka ay matalaan baahidooda oo ay lasoo joogaan” Gaas ayaa goob fageere ah ka sheegay maanta.

Dr.Gaas ayaa sidoo kala sheegay inay xooga saari doonaan mudada ay xafiiska joogaan sidii looga gudbi lahaa nidaamka qabiilka oo loo guuri lahaa sidii loo heli lahaa barnaamijka dimoqraadiyadda oo ah kan kaliya ee ay dadku wax ku dooran karaan.

”Shalay waxan idin imid anigoo musharax madaxwayne ah,waxan u malaynayaa taageeradiinii iyo ducadiinii illaahay waa aqbalay,maantana waxan idin imi anigoo ah madaxwaynihii Puntland,waxaase muhiim ah inaan sheegno shalay markii aan idin imi waxan sheegay balan qaadyo,waxan rajaynayaa inaad nooga fadhidaan balanqaadkii”

Waa socdaalkii ugu horeeyay tan iyo markii Cabdiwali la doortay uu ku tago magalada Qardho waxana lagu wadaa maalinta barito ah inuu u jeesto dhanka magalada Bosaso oo mudooyinkii ugu danbeeyay laga sugayay.

1_73 2_62 3_59 4_58 5_57 6_54 7_48

Qardho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed