|

Shabaabka Baraawe Saaka Ka Hirgelisay Amar Shacabka Lagaga Mamnuucayo Qaadashada Telefoonada Kamaradaha Leh

Baraawe:20-March-2014(SDN)-Wararka ka imanaya Magaalada Baraawey ayaa sheegaya in Kooxda Shabaab ee Halkaas Gacanta ku haysaa ay Billaabeen inay Telefoonada Gacanta gaar ahaa kuwa Kamaradaha leh ka ururiyaan Dadka Halkaas Deggen.

shabaaabIyaga oo adeegsanaya codbaahiyayaal waaweyn ayay bishan March 10-keedii,  al-Shabaab amarkan cusub ku dhawaaqeen, iyaga oo dadka ku amray in telefoonadooda gacanta ay keenaan xarunta al-Shabaab ee ku taala xarunta dawlada hoose ee Baraawe, iyaga oo ciqaab adag ugu goodiyay qofkii amarkaas u hogaansami waaya.

Tani ma aha markii ugu horaysay ee al-Shabaab ay talaabooyin adag ka qaado arrimo ka dhan ah warbaahinta iyo qalabka is gaadhsiinta ee meelaha ay gacanta ku hayso.

November-tii hore, kadib isku daygii qabashada hogaamiyaha wayn ee al-Shabaab Cabduqadir Maxamed Cabdulqadir (Ikrima) ee ciidamada Khaaska ah ee Badda ee Maraykanka ee dhacay bishii October, ayay al-Shabaab dadka reer Baraawe ka mamnuucday in ay telefishinka daawadaan, iyaga oo sheegaya in ay wax u dhimeyso mabaadii’da Islaamka, ayna ku amartay in telefishinkooda iyo dishashkoodaba ay ku soo wareejiyaan madaxda al-Shabaab.

Sidoo kale ayaa ilaa iyo markii uu weerarkaas dhacay ay al-Shabaab bilawday cabsigalinta dadka telefoonada casriga isticmaala, iyaga oo sheegaya in telefoonada gacanta ee casriga ah loo isticmaali karo basaasnimo.

Cali ayaa sheegay in uu haysto telefoon kaamero leh, oo inkasta oo aan sawir lagu qaadi karin, ay al-Shabaab xoog kaga qaadday.

Wararka  ayaa  intaas ku daraya in Qiimaha Moobilada aan Kamarada Lahayni ay kor u kaceen oo dadku aad u  iibsanayaan.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed