|

Caaqil Reer Saaxil Oo ah Oo Ka Mid ahaa Waftiga Madaxweyne Siilaanyo Oo Isaguna Haatan ku Geeriyooday Shil Baabuur

Hudisa:20-March-2014(SDN)-War kale oo Haatan Na soo Gaadhaya ayaa sheegaya in   uu shil Gaadhi ku dhintay Chief Caaqil Cabid Hadoodil oo la socday Waftiga Madaxweynaha Somaliland.

gaadhiCaaqil Cabdi Hadoodil oo ka soo jeeday Deegaanka Sheekh ee Gobolka Saaxil, ayaa Gaadhigiisu  kula Dhacay Tuulada Hudisa, waxana la Xaqiijiyey inuu Isla Goobtii ku geeriyooday.

Illaa iyo Hadda lama soo Sheegin cid kale oo wax ku noqotay Gaadhiga Shilkan Geerida Keenay Galay oo uu Watay Caaqilka Geeriyooday.

Shilkan caaqilku ku dhintay ayaa dhacay waxyar ka hor markii Shil kale oo Halkaas ka Dhacay ay ku dhaawacmeen Wasiirro ka Tirsan Waftiga madaxweynaha oo Haatan lagu Daweynayo Magaalada Berberaj, waxana uu noqonayaa Shilkii Labaad ee isla Maanta ay Galaan Gawaadhida la socota Madaxweynaha Somaliland.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed