|

Ciidamada Mombasa oo khashifay qarax magaaladaa lala damacsanaa

Mombasa Mar 20,2014(SDN)-Ciidamada dalka Kenya ee magaalada Mombasa ayaa fashilayay qorshe ay rag la sheegay in ay xiriir la leeyihiin kooxda Al Shabaab,

Ragan ayaa la qabtay iyaga oo sita laba walxood oo kuwa qarxa ah oo aad u waaweyn oo ay damacsanayeen in ay qaraxyo ku fuliyaan,

Taliyaha ciidamada Police ka ee magaalada Mombasa  Robert Kitur ayaa sheegay in ay ragan oo Soomaali ahi ay ku tuhmeen in ay taageeraan Al Shabaab.

“Shakiga ragan ayaa nagu dhashay ka dib kolkaan dhalashadooda Soomaalinimo ogaanay ayaanu ka shakinay”ayuu yiri taliyuhu.

Taliyuhu waxa uu intaa raaciyay in raga ay qabteen in mid Soomaali yahay halka ka kalena uu yahay Soomaali u dhashay Kenya.

Ciidamadu waxa ay raga qabteen ka dib kolkeey daba socdeen mudo.

Kooxda Al Shabaab ayaa dagaal kula jira ciidamada dalka Kenya oo gudaha Soomaaliya faro gelin ciidan ku sameeyay dhawr sano ka hor.

SDN-Mombasa

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed