Mo Farah Oo Saddex Daqiiqo Koomo Ku Jirey Xilli uu Orod Ka Qayb Gelayey
New York:17-March-2014(SDN)-Oradyahanka caanka ah ee Somaliland u Dhashay Maxamed Farax (MO Farah), una orda dalka Britain, ayaa Xalay Xaalad Adag Galay Xilli uu ka qayb Gelayey Orod uu kaalinta Labaad ka Galay.
Orodyahanka oo tartanka orodada Maaratoonka kaga qaybgalaayay Magaalada New York, ayaa waxa uu ku dhacay dhulka, xilli uu kaalinta labaad ka galay tartankaas, balse farxaddiisii ayaa isu Bedeshay Daqiiqado Naxdin ah.
MO Farah, ayaa miyirkiisu maqnaa muddo dhan 3 daqiiqo, walow uu dib uga Soo Baxay iyada oo aan wax daawo ah la siinin.
MO Farah, ayaa Warbaahinta u sheegay in uu noqday sida nin ay hurdo heyso oo kale, isla-markaana uu isku deyay in uu kaco, hase yeeshee uu dhulku ku dhacay.
Orodyanka MO, ayaa sidoo kale sheegay in ay xaaladiisu caafimaadeed aad u wanaagsan tahay, isla-markaana aanu jirin wax xanuun ah oo uu xilligaan dareemaayo.
Waxa keenay in uu istaago ka dhaco xidigaan, ayaa waxaa lagu sheegay in iyadoo uu Magaalada New York soo gaadhay, xilli uu qaboob ka jiro, 2-dii bilood ee la soo dhaafayna uu joogay dalka Kenya, oo kuleel uu ka jiray.
S.D.N