“shacbigan xaddaaradda dheer leh oo xataa haddaan ku xidhiidh idinka dhexaynin Haddana aan kaala Bakhaylaynin salaanta waad aragtaayoo wax dagaalan sani ma jiraan beri horayna Hubkii..” Wasiir Cadami
Laasqoray:17-March-2014(SDN)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa Madaxweynaha Hortiisa si Cad uga Sheegay inay Reer Laasqoray noqdeen dad ka Xidhiidh Furtay oo aan la Jaanqaadayn Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Wasiir Axmed Xaaji Cali oo Khudbad maalintii shalay ka Jeediyey Magaalada Laasqoray oo ay joogaan Madaxweyne Siilaanyo iyo Wafti uu Hoggaaminayaa, ayaa Farta ku fiiqay sida ay Shacabka Halkaas Deggeni uga Hadheen Hayaanka Loogu Jiro Somaliland-nimada, isagoo ku Nuuxnuuxsaday inaanu jirin xidhiidh Fiican oo Haatan ka Dhexeeya iyaga iyo Somaliland.
“shacbigan xaddaaradda dheer leh oo xataa haddaan ku xidhiidh idinka dhexaynin Haddana aan kaala Bakhaylaynin salaanta waad aragtaayoo way ku wada Salaamayaan oo wax dagaalan sani ma jiraan beri horayna Hubkii dhigeen, Waanan uga Mahad Naqaynaa Sida Fiican ee ay Madaxweynaha iyo Waftigiisa u soo Dhaweeyeen.” Ayuu Yidhi Wasiir Cadami.
Hadalkan wasiirka ayaa Dad Badani u arkeen inuu yahay mid uu Madaxweynaha iyo Waftigiisa ugu duur xulayo, isagoo si Dadban ugu sheegaya in xukuumaddu aanay Xidhiidh Fiican la lahayn dadka Halkaas ku Nool oo kaliya ay sheegato uun.
Xilligii uu wasiir Cadami Hadalkan jeedanaiyey, waxa la Arkayey Qaar ka mid ah wasiirrada Waftigan la Socda oo si weyn u dhibsanaya Hadalkaas, balse ma jirin cid kale oo Jawaab ka celisay.
Madaxweyne Siilaanyo iyo Waftigii uu Hoggaaminayey ayaa Habeenkii xalayba u hoyday Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag oo lagu wado inay Muddo ku sugnaan Doonaan.
S.D.N