|

Muuqaladii Maanta ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Magaalada Laasqoray Habkii loogu soo Dhaweeyay Daawo

Laas qoray 16.March 2014 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo iyo weftigii uu hogaaminaayey ee maalmahanba socdaalka ku maraayey Xeebaha Somaliland ayaa saaka subaxnimadii waxay ka ambabaxeen Maydh iyaga oo u sii jeeday Degma Laasqoray oo ah Cidhifka Xeebaha Somaliland, Marka laga reebo Ceelaayo oo iyadu soo xidha Xeebaha Jamhuuriyada Somaliland, waana markii ugu horaysay ee Madaxweyne Somaliland Hogaaminayaa uu Degmadan kormeer hawleed ku yimaado.

 

Madaxweynaha oo si seer sare ah, oo qiimo iyo sharafi ku dheehan tahay loogu soo dhaweeyey ka dib waxa uu madaxweynuhu ugu horaynba soo kormeeray Cusbitalka Degmada Laasqoray oo ah Cusbital qadiimo ah, Mudana ay gacanta ku haysay Maamo Canab Jaamac Maxamed, sidoo kalena waxa uu kormeer kaasi la mid ah ku tegay Wershedda Laasqoray oo ah wershed fac-weyn ku leh dalka ahna mid soo saarta Kalluunka Qasacadaysan iyo waxyaalo badan oo kale.

 

Madaxweynaha oo dhagax-dhigay Dekeda Laasqoray oo dib u habayn lagu samayndoono insha allaa

Waxa iyana xusid mudan in Ciidamada Badda Somaliland ay ku dabaaldegayeen Dekeda Laasqoray iyaga oo Magaca madaxweynaha ku qoray Laash ay badda si farshaxanimo ah ugu damaashaadeen kuna qoreen Mudnae Madaxweyne soo dhawoow, waxa halkan kugu diyaara Dadweynaha reer Laasqoray.

Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu la qaatay qadar saacaado ah dadweyne tiro badan oo ay ka muuqatay Wadaniyad iyo Qiiro madaxweyne-nimo oo ku tusaysa in dadkani indhohoodu u basaaseen Madaxweynaha Qaranka Somaliland wakhtina ay ku qaadatay inay mar uun indhaha ka qaadaan Madaxweynihii ay doorteen oo dhex lugaynaya Degmadooda Laasqoray, taasi oo maanta oo ay bishu tahay 16-03-2014 u hirgashay

 

Waxaana halkaasi ka hadlay wasiirka Caafimaadka Mudane Saleebaan  Xagla-toosiye oo balan qaaday in marka uu ku noqdo Caasimada u soo diri doono gaadhi Ambulance ah, sidoo kalena waxa halkaasi ka hadlay wasiirka Kalluumaysiga, Khayraadka bada, Mudane Buureed iyo Wasiirka Gaashaandhiga, Mudane Cadami

IMG_0735 IMG_0744 IMG_0750 IMG_0754 IMG_0758 IMG_0764 IMG_0782 IMG_0787 IMG_0827 IMG_0835 IMG_0838 IMG_0869 IMG_0900 IMG_0919 IMG_0943 IMG_0965 IMG_0985 IMG_1020 IMG_1048 IMG_1051 IMG_1061 IMG_1068 IMG_1076 IMG_1089 IMG_1093 IMG_1094 IMG_1098 IMG_1102 IMG_1107 IMG_1113 IMG_1120 IMG_1128 IMG_1141 IMG_1160 IMG_2384 IMG_2388 IMG_2397 IMG_2408 IMG_2414 IMG_2422 IMG_2425 IMG_2438 IMG_2440 IMG_2441 IMG_2446 IMG_2448 IMG_2479 IMG_2489 IMG_2499 IMG_2501 IMG_2516 IMG_2532 IMG_2536

Laasqoray SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed