Kooxda Argagixisada ah ee Alshabab oo isaga baxday deegaano ka tirsan Shabeelada dhexe
Muqdisho 16.March 2014 (SDN)- Wararka laga helayo Gobalka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya kooxda Alshabab inay isaga baxday labo degmo oo ay joogeen ka dib markii halkaasi ciidanka huwanta ah ay dhaq-dhaqaaq ka bilaabeen.
Degmooyinka ay kooxdu isaga baxday ayaa kala ah Raage Ceele iyo Warsheekh waxana durbadiiba gacanta ku dhigay ciidanka DF iyo kuwo kale ee AMISOM iyadoona hadda laga dareemayo howlgalo kala duwan xaafada degmooyinkaasi.
Masuul ka tirsan mamulka Shabeeladda dhexe ayaa warbaahinta u sheegay labadaasi degmo inay ku galleen si nabadgalyo ah isla markasna wax dagaal ah aysan kala kulmay ururka Alshabab.
Dadka ku dhaqan degmooyinka Alshabab isaga baxday ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay inay dib u heli doonaan xoriyad wanaagsan ka dib markii ay sheegeen inay kala kulmeen Alshabab cadaadis iyo hanjabaadyo joogto ah.
Ciidanka AMISOM iyo kuwo DF ayaa la sheegayaa inay isku diyaarinayaan sidii kooxda looga saari lahaa degmada kale ee Cadale oo la sheegay inay gacanta ku hayaan.
Labadaan degmo ee Alshabab laga qabtay ayaa waxay 8 ku noqonayaan lix kale oo horay looga saaray kuna kala yaala Gobalada Bakool iyo Gaddo waxana wararkii ugu danbeeyay ee GO soo gaaray ay sheegayaan howlgal kan la mid ah inuu ka socda qaybo ka mid ah Gobalka Galgaduud.
Tani waxay calaamad u tahay awood kooxda xagjirka ah ee Alshabab oo wiiqantay waxayna xoogooda hada ku sugan yihiin Gobalka Shabeelada hoose iyadoona DF iyo AMISOM-na ay qorshaynayaan dagaal Alshabab looga sifaynayo Shabeeladda hoose.
Dadka falanqeeya siyaasada gudaha ayaa sheegaya inay dhibaato hor leh ay ku imaan karto degmooyinka la qabsaday kooxda Alshabab oo aan wali mamulo loo samayn iyo waliba dadka oo ka barakacay degmooyinka la xoreeyay.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com