|

Raxmaadkii Gu’ga oo Ka Curtay Deegaamo door ah oo Ka Tirsan Somaliland

Hargaysa 16.March 2014 (SDN)- Roobka Guga,ayaa ka curtay Somaliland kaasoo maanta ku hooray deeggaanno kala duwan oo ka tirsan gobollada Maroodieex,Hawd iyo Gobolka Gabilay.

Wararka ka imanaya gobolka Hawd,ayaa sheegay in roobka gugu si fiican uga curtay deegaanka gobolka Hawd,kaasoo maanta ka da,ay deegaanka Gumburaha iyo shibaaqle oo ka tirsan gobolka Hawd,waxaa kaloo uu warku intaa ku darayaa inuu roob fiicani ka da,ay deegaanno ka tirsan degmadda Salaxlay ee gobolka Hawd.

Roobka guga iyo Raxmaadka EEBBE,ayaa waxaa kaloo ay ka da,een oo  dad iyo duunyaba si fiican loogu diirsaday deegaanno ka tirsan gobolka Gabilay oo uu xalay iyo maantaba sifiican  helay roob gu,bilawgiisii.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Gebilay Yuusuf Ibraahin Geedi oo la hadlay Shabakada Qurbejoog.com ayaa sheegay in roobab lagu qabawsaday ay ka da’een Jiido ku taxan Deegaamada Geed balaadh ilaa Durya.

Roobabka Guga ee ka curtay Somaliland,ayaa deeggaannada uu ka da,ay aan laga soo sheegin wax qasaare ah oo  nimcada roobaad keentay waxaana uu ahaa roobka gu ee xalay illaa maanta ka hooray deegaanno ka tirsan Somaliland mid aan duufaan iyo dabaylo midnaba lahayn oo dad iyo duunyaba qaboojiyay.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed