Madaxweyne Siilaanyo Oo Saaka Ku Waabariistay Magaalo-xeebeedda Laasqoray
Lasqoray:16-March-2014(SDN)-Madaxweynaha somaliland Axmed maxamed maxamuud siilaanyo ayaa saaka ku sugsn magaalo xeebeeda laasqoray halkaas oo uu saaka ku kalahay, kadib markii uu xalay u hoyday magaaladda Maydh.
Booqashada madaxweyne siilaanyo ee laasqoray ayaa dhirbaaxo ku ah hanjabaadihii maamulka cusub ee puntland ku sheegan jireen gobolka sanaag bari, sidoo kale waxa ay guul weyn u tahay xukuumadda madaxweyne siilaanyo oo si nabad ah ku tagtay laasqoray oo ku taala xuduuda barri ee somaliland.
Madaxweyne siilaanyo ayaa lagu wadaa inuu goor dhaw ka khudbadeeyo magaalada laasqoray, iyadoo weftiga madaxweyne siilaanyo uu gadh-wadeen ka yahay Wasiirka gaashaandhiga oo dhalasho ayaan ka soo jeeda barriga sanaag.
S.D.NContact@somalidiasporanews.com