|

Muungaab: Warqad Kaaga Timi Minneapolis, MN

Waxaa ayaantaan shabakadaha wararka Soomaalida hadal hayeen qudbadii Duqa Magaalada Mogadisho, ahna Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, uu u jeediyey qayb ka mida bulshada ku dhaqan caasimada Soomaaliya. Qudbadaas oo ay ku jireen hadalo xasuusiyey Qurbajoogta xanuunkii dagaalkii sokeeye ee ka bilowday caasimada dalka Soomaaliya dabayaaqadii sanadkii 1990kii.
Si kastaba ha ahaatee, in badan oo Qurbojoogta ka mida ayaa soo jeediyey in mayorka uu shir kale qabto, isaga oo ku martiqaadaaya qaybaha bulshada ee sida gaarka ah uu u carabaabay, waa bulshada ku dhaqan magaalooyinka: Hargaysa iyo Boosaaso, kana raali geliyo hadalkiisii ahaa “Ummaddii Soomaaliyeed ee nagataktay, ee raacdeenay, intay tashatay, ay goboladoodi dhisteen, ay maamulo ka samaysteen – ayey asharaartoodi noo soo direen, markaasey anaga magaalada naga barakiciyeen” – ulana jeeday bulshadaha ka soo jeeda Somaliland iyo Puntland.
Qurbojoogta Waqooyiga Maraykanka, gaar ahaan magaalada Minneapolis, ee Gobolka MN – oo ah halka ay ku sugan yihiin qaxootiga racii ugu horeeyey ee uu dagaalkii sokeeye ee bilowday dhamaadkii 1990kii ka barakiciyey Xamar iyo agagaarkeeda, ahna Qurbojoogta Soomaaliyeed ee ugu badan marka laga reebo kuwa degan Kenya, ayaa hadalkaas ka muujiyey walaac aad u wayn.
Arintaas awgeed, ayaa Qurbojoogtu ugu baaqeen madaxda dalka dhamaantood in la joogo waqtigii ay ka fiirsan lahaayeen hadaladooda in laga dareemo waxyaabaha keeni kara nac, naceeb iyo kala qaybinta bulshada.
Qurbojoogta ayaa aaminsan in uu Duqa Magaalada Moqadisho: Muungaab uu xaq u leeyahay in uu bulshada qaybtuu doono ka codsado in ay ku taageeraan xilka loo dhiibay, waxayse ka digeen adeegsiga hadalada abuuri kara shaqaaqooyin la mida kuwii sanadkii 1990kii.
Ugu danbayn, Qurbojoogta qaar ka mida ayaa ku tilmaamay in hadalka Duqa Magaalada Muqadisho uusan ahayn mid ula kac ah, laakiinse ay u arkaan in uu ahaa mida aan la soo diyaarin, lagana fiirsan madmadowga uu dhalin karo.
Waxaa isku soo dubariday: Mohamed Barre – Junlay “Buluf” oo wax ka qora arimaha Soomaalida, degana Minneapolis, MN – junlay99@aol.com.

Comments are closed