Haweenay u Shaqaynaysay Maxkamadda Gobolka Banaadir Oo Hore Shabaabku U Dhaawaceen Oo Xalay Lagu Dilay Muqdisho
Muqdisho:16-March-2014(SDN)-Midka mid ahayd Haweenkii ka Hawlgeli jirey Maxkamadda Gobolka Banaadir, ayaa Xalay Fiidnimadii Xalay lagu Dilay Goob ku Taalla Muqdisho.
Gabadhan oo magaceeda lagu sheegay Deeqa Maxamed Xasan, ayaa lagu dilay Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan, kadib markii ay wadada u galeen rag bistoolado ku hubeysnaa.
Dambiile-yaasha, ayaa qaybaha sare ka toogtay marxuumada, waxayna dhulka ula dhacday rasaastii ay la dhaceen, isla-markaana ragga dilka geystay, ayaa cagaha wax ka deyay oo Goobtii iskaga Baxsaday.
Deeqa, ayaa halkaasi la sheegay in ay ku naf baxday, markii la waayay cid u gurmata qiyaastii 20 daqiiqadood, oo ay taalay halkii ay ku toogteen kuwii dilkeeda geystay.
Ciidamada Booliska ee ka hawlgala Degmada Hodan oo gaadhay halka lagu dilay marxuumada, ayaa waxay ka qaadeen meydkeeda, iyadoo sidoo kalana ay ka sameeyeen hawlgal aan Natiijo ka soo Bixin.
10-kii bishan, ayay ahayd markii Degmada Wadajir lagu dilay gabadh ka shaqeyneysay Waaxda Xisaabaadka Guud, laguna magacaabi jiray Xafsa C/nuur Maxamed.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com