Meydka Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec Oo Saacadaha Soo Socda Muqdisho Laga Soo Dejin Doono iyo Guddidii Saylici Aaskiisa u Magacaabay Oo Barkuma-Taal Noqotay
Muqdisho:16-March-2014(SDN)-Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxa Saaka Laga Sugayaa Meydka Alah Ha Naxariistee Fannaan Maxamed Saleebaan Tubeec Oo Dhawaan Jarmalka Ku Geeriyooday si Halkaas Loogu Aaso.
Dawladda Somalia ayaa Maalin kadib Geeridii Marxuumka ku Dhawaaqday in Muqdisho lagu Aasi doono, inkastoo Somaliland Qudheedu ay Sheegatay inay Qabanqaabada Aaskiisa Guddi Qaran u magacawday.
Ku-simaha Madaxweynaha ahna Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo Shalay la hadlay warbaahinta qaranka ayaa marka hore guud ahaan umadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allaha u naxriistee Fanaaninkii Soomaaliyeed Marxuum Maxamed Suleymaan Tubeec oo dhawaan ku geeriyooday cisbitaal ku yaala wadanka Jarmalka.
Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in Allaha u naxriistee Maxamed Suleymaan uu kaalin weyn kasoo qaatay gobanimada dalka, wuxuuna xusay in maanta Oo Axad ah Meydiisa la keeni doono magaalada Muqdisho si aas qaran loogu sameeyo gudaha dalka, iyadoo aaskiisa ay ka qeyb geli doonaan mas’uuliyiin kala duwan iyo bahda fanka Soomaaliyeed.
Meydka Fanaanka ayaa Haatan u muuqda mid lagaga Xoog Roonaaday Somaliland uu loo Gelbinayo Dhinaca Muqdisho, waxana Biyo Col dhaanshay Noqday Guddi uu Dhawaan Madaxweyne ku xigeenka Somaliland u magacaabay Qabanqaabada Aaska Marxuumka.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com