|

Taliyaha Booliska Somalia iyo Saraakiil uu Wato Oo Ka Cadhooday Baadhitaan ay Ku Sameeyeen Ciidamo Ajaanib ahi Xilli uu Safar Gaaban u Baxayey

Muqdisho:16-March-2014 (SDN)-Baadhitaano Muran dhaliyey oo Maalintii Jimcihii ina Dhaafay Lagu Fuliyey Taliyaha Ciidanka Booliska Somali xilli uu Muqdisho Diyaarad Ka Raacayey ayaa ay Haatan ka sooo Kordheen Warar Cusubi.

ssacXogtan cusub, ayaa waxa ay sheegeysaa in saraakiil caddaan ay ku qasbeen Taliyaha Ciiddanka Boliska Somalia, Jeneral Cabdixakiim Dahir Saciid “Jeneral Saacid” iyo Saraakiil kale in la baadho, ka hor intaysan raacin Diyaarad ku sii jeeday magaalladda Gaalkacayo, taas oo Keentay in Taliyuhu si weyn arrintaas uga Cadhoodo.

Wafdiga Jeneral Saacid ayaa safarkooda hawleed ku aadanaa si ay u soo xidhaan Tababar ciiddamadda Boliska uga socday Dugsiga Tababarka Carma ee Puntland.

Ilo-wareed lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in Saraakiisha caddaanka ku amreen Jeneral Saacid iyo xubnihii la socday inay gacmaha kor u taagaan si loo baadho, taasi oo ay Saraakiisha Boliska aad uga cadhoodeen, isla-markaana ay Si Cad u diideen inay Tallaabadaas u hogaansaadaan.

Taliyaha Boliska Somalia, waa uu diiday in la baadho, waxayna taasi keentay muran dhaliyey inay dib u dhacdo Diyaaradda ay Saraakiisha Boliska u raaci lahaayeen magaalladda Gaalkacayo.

Waa markii Labaad oo ay Taliyaha Boliska Somalia, Jeneral Saacid oo ay sharaf-dil ku sameeyaan Saraakiil ka tirsan AMISOM, kuwaas oo inta Badan u dabran inay si weyn u baadhaan cid kasta oo Damacsan inay Ambabaxaan oo Garoonka Ka duulaysa .

Lix bilood ka hor ayey ahayd markii Jeneral Saacid loo diiday inuu galo Xeradda Taliska AMISOM ee Xalane, oo uu xilligaas kula ballansanaa inuu la kulmo Saraakiil ka tirsan Taliska AMISOM.

Jeneral Saacid ayaa xilka Taliyaha Ciiddanka Boliska Somalia loo magacaabay bishii May 11-dii ee sannadkii hore, isagoo xilkaasi kala wareegay Taliyihii hore ee Boliska Somalia, Jeneral Shariif Shiikhuna Maye.

 

Dhaqamada Noocaas oo kale ah ee Saraakiisha Dawladda Lagu Baadhayo ayaa waxa si weyn uga Soo HOrjeeda Dad Badan oo uu Taliyuhu Ugu Horreeyo, balse wali Dawladdu diyaar uma ah inay wax ka qabato in la Bahdilo Xubnaheeda Sarsare oo ay Waliba Tallaabooyinkaas Fuliyaan Ciidanka Ajaanibka ah ee Somalia ku Sugani.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed