Raysul-Wasaaraha Malaysia: “Afduub maaha (Diyaaradda la waayay), laakiin waa ficil badheedh loo sameeyay”
Kuala Lumpur 15, March 2014 (SDN/CNN)- Raysul-wasaaraha Malaysiga Najib Razak, ayaa ka hadlay diyaaradda dalkaas laga leeyahay ee Adduunku raadinteeda ku wareeray, taasoo tirsiga duulimaadkeedu ahaa 370, isla markaana la waayay Sabtidii todobaadkii lasoo dhaafay.
Raysul-wasaare Najib Razak oo warbaahinta kula hadlay caasimadda dalkiisa ee Kuala Lumpur, wuxuu sheegay in waayitaanka diyaaradda aanay sabab u ahayn afduub maalmihii la soo dhaafay looga shakiyay, balse ay tahay ficil uu si ula-kac ah u sameeyay cid sida uu sheegay diyaaraddaas saaran.
Diyaaradda oo nooceedu yahay Boeing 777 oo March 8-deedii ka duushay xarunta Malaysia ee Kuala Lumpur, kuna sii jeeday magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, waxay siday 239 qof oo ay ku jiraan shaqaalihii diyaaradda.
“Caddaymuhu waxay ku tiirsan yihiin in qof uu si ulakac ah uga sameeyay gudaha diyaaradda,” ayuu yidhi Raysul-wasaaruhu, wuxuuna si rasmi ah u xaqiijiyay in waayista diyaaraddu aanu ahayn wax uu shil sababay. “Inkastoo wararka ay saxaafadda ahayd in diyaaradda la afduubay, waxaanu baadhaynaa suurtogalnimo kastoo ku saabsan waxa keentay in MH370 ay leexato,” ayuu yidhi.
Waxa uu sheegay in war-qabad Milateri uu muujiyay in diyaaraddu jihadeedii ay ku socotay ka leexatay, ka hor intii aanay ku noqonin jidaha Koonfur-galbeed ee Badweynta Hindiya. “Dhaqdhaqaaqyadani waxay joogtaynayaan jiritaanka ficil badheedh ah oo uu sameeyay qof diyaaradda saaran,” ayuu yidhi Raysul-wasaare Najib. Raysulwasaaruhu waxa uu sheegay in caddaymuhu muujinayaan in si badheedh ah loo jaray isgaadhsiinta diyaaradda, taasina ay hubinti ka dhigayso in cid diyaaradda saarani ay ficilkaas fulisay.
Dhinaca kale, waxyar kadib markii Raysul-wasaare Najib Razak suxufiyiinta la hadlay, il-wareed u dhuun-daloola baadhitaanka diyaaraddaas, waxa uu Telefishanka Maraykanka ee CNN u sheegay in Booliska Malaysia ay baadheen guriga duuliyaha diyaaradda la raadinayo oo la yidhaahdo Zaharie Ahmad Shah oo 53-jir ah. Mr. Shah wuxuu ku nool yahay gudaha kaambool bulsheed xidhan oo ka tirsan Shah Alam oo dibadda ka ah caasimadda Kuala Lumpur.
Boolisku ma bixin wax tafaasiil oo ku saabsan hawlgaladoodii guriga duuliyaha labaad ee diyaaradda dunidu raacdaynayso, Fariq Ab Hamid oo 27-jir ah. Guriga waxa lagaga tegay laba bas oo yaryar oo ay saaran yihiin shandado yaryar, una eg shandadaha dukaamaysiga, laakiin ma cadda in shandadahaas laga qaaday guriga.
Qurbejoog.com, Kuala Lumpur