Agaasimaha Waaxda Gobollada Iyo Siyaasada Ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Oo Safarkii Madaxweynaha Ku Sifeeyey Mid U Quus Gooyay Cadowga Somaliland
Hargaysa 15,march 2014 (SDN)-agaasimaha Waaxda Gobollada iyo Siyaasadda ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Cali Xasan Cawaale, ayaa safarkii Madaxweynaha Somaliland ku galaa bixiyey qaar kamida gobollada Somaliland ku sifeeyey mid loogu quus goynaayey Cadowga Jamhuuriyadda Somaliland iyo War-xumo tashiilkii beenta faafin jirey.
Cali Xasan Cawaale waxa uu sheegay in Mar kale Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu ka turjumayo Xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Geyiga Somaliland, taasoo ah shacabka reer Somaliland ku naaloonayaan Degenaansho buuxda, iyadoo ay taas Marag u tahay Safarka dheer ee uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ku marayo gobollada Somaliland.
Agaasimaha Waaxda Gobollada iyo Siyaasadda ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Cali Xasan Cawaale oo Qoraal kooban soo gaadh-siiyey
Shabakada Caalamiga ah ee Somalidiasporanews.com, waxa uu kaga hadlay muhiimada uu leeyahay Safarka Madaxweynuhu ku marayo qaar ka mida Gobollada dalka, iyadoo uu tilmaamay in arrintaasi fududaynayso in Madaxweynuhu uu Indhihiisa ku arko Xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Gobolladaas iyo halka uu marayo Horumarkoodu, waxaanay taasi furre u noqon doontaa la Xisaabtan dhab ah.
Qoraalkaas uu Agaasimuhu soo gaadhsiiyay Shabakadda wararka ee caalamiga ah ee Qurbejoogta, waxa uu u dhignaa isaga oo dhamaystiran sidatan.
“Waa arrin dhif ah in Madaxweyne qaran balaadhan hogaamiyaa uu safar dhulka ah ku kala bixiyo Goboladda dalka , siiba goboladda fog fog ee dalka, isla markaana, uu isaga goosho habeen iyo maalin, waxa kale oo iyana cajiib oo aan wadamo badan oo waa-weyn oo caalamka ah ka dhicin in Madaxweyne si kalsooni leh ugu dabaasho badda iyada oon cid illaalinaysaa jirin, shacabkii iyo dadkiisa dhexdiisi.
Haddaba, Safarkan iyo guuraha habeenkii ee Madaxweynuhu waxay muujinaysaa in Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo, yahay masuul wadani ah oo kalsooni buuxda ka qaba shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana shacabkiisa si xor iyo xalaal ah oo aan cabsi baqdin lahayn uula qaybsada dareenkooda, wali hore umay dhicin tan oo kale intii ay jirtay somaliland, in madaxweynaha si lama filaan ah loogu dhex arko suuqyada magaalooyinka, isagoo dhex qaaday , habeen iyo maalinba.
Dhinaca kale, waxa hubaal ah in arrimahan iyo qaar kale oo badan oo ka suuro galay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ay si weyn shacabka u dhiirigaliyeen kuna beereen inay dareemaan Madaxweyne la dareen ah oo mar kasta si joogto ah ula wadaaga shucuurtoodam, oo aan wax cuqdad ahna ka qabin shacabkiisa.
Sidaa darteed waxa xaqiiq ah in dhacdooyinkani yihiin fariin u quus goynaya Cadawga Somaliland, isla markaana ka turjubaya Xasiloonida horumarka ka jira Somaliland”.
Hargaysa,SDN.
Contact@somalidiasporanews.com