|

Ra’iisulWasaare Cabdiweli : “Waa in culimada, shacabka iyo Dowladdu u midoobaan la dagaalanka Al-shabab iyo fikirkooda gurracan”

Muqdisho, March 15, 2014(SDN-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed  oo maanta kulan qado sharaf ah hoygiisa ugu sameeyey culimada Soomaaliyeed, ayaa ku dhiirrigeliyey hoggaamiyayaasha diinta iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay gacan ku siiyaan dowladda halganka iyo dagaalka ay kula jirto kooxda  xanbaarsan fikirka takfiiriga ah Al-shabaab.

Kulankan  oo ay sidoo kale goob-joog ka ahaayeen xubno ka mid ah Golaha Wasiiradda ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa labada dhinac isku weydaarsadeen sida ugu habboon ee culimada diinta iyo dowladdu iskaga kaashan karaan la dagaalanka Al-shabab iyo fikirkooda gurracan.

“ Ujeedada kulankan waxa weeye in culimada diinta maaddaama ay meel sare kaga jiraan bulshada ay dadaalkooda ku biiriyaan halgankan dalka lagaga xoreynayo kooxaha nabad-diidka ah. Waa in aynu u midownaa dagaalkan oo laga wada qaybgalo, waxana muhiim ah in culimadu ay qaataan kaalintooda oo ah mid hoggaamineed” Sidaasi ayuu Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ka sheegay kulanka.

“ Kooxda Al-shabaab waa koox luntay oo baadi ah, kamana turjumaan micnaha, ujeedooyinka iyo qiyamka  sarreeya ee diinta Islaamka, waxa ay dadka ku bartilmaameedsanayaan goobaha cibaadada iyagoo aan cidna u aabbayeelayn. Dowladda Soomaaliya waxa ay dadaalkeeda ugu badan ku bixinaysaa sidii kooxdaasi looga sifayn lahaa dalka” Sidaasi ayuu hadalkiisa raaciyey Ra’iisul Wasaaruhu.

“ Xukuumaddaydu waxa ay balanqaadaysaa in ay kaalin mug leh siiso culimada si loo jebiyo fikirka qalafsan ee kooxda Al-shabab. Kaalinta culimadu waxa ay noqoneysaa mid wax ku-ool  iyo laf-dhabar ah, waxayna ka qaybqaadanayaan talada dalka iyo go’aamada la gaarayo. Waxaan halkan  si dhab ah uga balanqaadayaa in la furo xafiis aad ku shaqaysaan oo aad hawlihiinna ku qabsataan. Sidaasi ayuu hadalkiisa ku daray Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed.

Dhinacooda, culimada Soomaaliyeed ee ka qaybgalay kulankan ayaa soo dhoweeyey tallaabada ay dowladda Soomaaliya ku hawlgelinayso culimada si ay uga qaybqaataan dagaalka dalka lagaga xoraynayo kooxaha nabad-diidka ah, waxana ay balan ku qaadeen in ay ka qaybqaadanayaan dagaalka lagula jiro Al-shabab, iyagoo caddeeyey in ay fikir iyo xoogba ku gacan siinayaan dowladda Soomaaliya oo ay ku tilmaameen “ Dowlad Muslim ah oo aan hub lagala hor iman Karin”.

“ Culimadu waa hoggaamiyayaasha bulshada ee dhabta ah, waana dadka ugu habboon ee bulshada wax u sheegi kara ama abaabuli kara. Laga soo bilaabo halgankii xorriyada, kaalin weyn ayaan dalkan kaga jirnay, waxaan haddana diyaar u nahay inaan dagaalka galno oo safka hore tagno si aan u dhiirrigelini ciidamada xaq-u-dirirka iyo mujaahidiinta ah ee Soomaaliyeed. Waxaan diyaar u nahay inaan u tagno dhammaan qaybaha kala duwan ee cidamada qaranka ee geesiyaasha ah oo u sheegno in ay ku taagan yihiin dariiqa saxda ah. Sidaasi ayuu yiri Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo goobta ka hadlay.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed