|

Madaxweyne Gaas OO Goor Dhaweyd Soo Gaadhay Garowe

Garowe:15-March-2014(SDN)-Madaxwaynaha Dawlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland kadib socdaal uu ku tagay Dalka Jabuuti.

 

dhadhaMadaxwaynaha ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland, iyadoona Madaxtooyada loo galbiyay.

 

Madaxwayne Gaas ayaa la filayaa in uu sharaxaad ka bixin doono arimaha la Xidhiidha Socdaalkiisii Magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti halkaas oo uu Madax kala duwan kula soo kulmay.

Madaxweyne Gaas ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey safarro is daba joog ah ku tegayey Dalalka Jaarka ee Djibouti iyo Ethiopia oo ay ciidamo ka Joogaan Somalia, waxana la Sheegayaa inuu kala Hadlayey sidii Cutubyo ciidamadaas ka mid ah loo Geyn Lahaa Deegaano Puntland ka tirsan oo Ururka Alshabaab ay Saldhigyo ka Dhigteen.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed