Ciidanka Ethiopia ee Buurdhuubo Qabsaday Oo Xalay Maydadkoodii iyo Dhaawacoodii U Rartay Dhinaca Adis Ababa
Buurdhuubo:15-March-2014(SDN)-Wararka laga Helayo Deegaanka Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidanka Ethiopia eek a Qaybta ahaa kuwii dhawaan Gacanta kudhigay Halkaasi ay Bilaabeen inay Maydadkooda Halkaas ka Gurtaan, iyagoo u guranaya Dhiinaca Dalkooda si loogu Aaso.
Warar hoose oo Soo Gaadhay Qurbejoog.com ayaa sheegaya in ugu yaraan 20-askari oo dhaawac kala duwan qaba iyo waliba Tiro intaas ku dhaw oo dhimasho ah.
20-kan Askari ayaa lagu raray baabuurta gaashaaman ee dabaabaadka ah leeyihiin ciidamada AMISOM ee Itoobiya.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada la geeyay Itoobiya oo laga qaaday Buurdhuubo ay ku jiraan saraakiil iyo askar geeriyootay oo xilal ka Haysay ciidankaas dagaalka qaaday.
Dagaalkii Ciidanku Buurdhuubo ku qabsadeen ayaa ahaa mid aad u kulul, waxana ay kooxaha alshabaabku sameeyeen iska Caabin badan, taas oo keentay in ciidankii Ajaanibka ahaa ay si weyn u dhintaan oo KHasaare Gaadho.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com