|

Sarkaal Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo Arrimo Musuqmaasuq Loo Xidhay

Garowe:15-March-2014(SDN)-Guddoomiyihii Deegaanka Xarfo Ee Gobolka Mudug ayey Shalay gelinkii Dambe Ciidamo Hubaysan oo Maamulka Puntland ahi Xabsiga u taxaabeen.

corrMas’uulkan oo lagu Magacaabo C/laahi Faarax Bare ayaa laga KaxaystayGurigiisa oo ku yaala Deegaanka Xarfo, waxaana Guriga kala Baxay Maleeshiyaad Puntland ah oo watay Gaadiid Dagaal.

 

Wararka ayaa sheegaya in C/laahi Faarax Bare la Dhigay Xabsi ku yaala Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal,kadib markii  Amar lagu soo Xidhayo uu ka soo baxay Maxkamada Magaalada Garoowe.

Wararka hoose eek u saabsan Xadhigga Sarkaalkan ayaa sheegaya in Looga Shakisan yahay inuu Gacan-togaaleeyey ama Musuqay Raashin Turkigu siiyey Deegaanka Puntland, taasina ay keentay in Haatan xadhig lala Miciinsado.

Gudoomiyaha Xarfo ayaa la sheegay in maanta oo Sabti ah Maxakamad la saarayo si loogu qaado danbiga ah Wax isdabamarinta Gar gaarka loogu talagalay Dadka ku nool Qeybo ka mid ah Gobolka Mudug.

 

Saraakiisha Ciidanka iyo kuwa Maxkamadaha midkoodna kama uu hadlin sababta Xadhigan keentay, waxase ay Shacabku in badan ka Askatoodeen in Deegaanka uu Sarkaalkaasi Madaxda u ahaa lagu lunsaday Raashin badan oo iyagu ay xaq u lahaayeen.

 

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed