|

Madaxweynaha Somaliland oo Wakhti Dheer kadib Galabta ku dabaashay Xeebta Batalaale ee Berbera Daawo

Berbera 14.March 2014 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu galabta wakhti qaali ah oon hore u soo marin dhalin-yarada Gobolka Saaxil ku nool gaar ahaan Ardayda Kulliyadda Badda ka dhigata Jaamacada Berbera oo maanta nasiib u yeeshay in ay Masuulkii qarankan ugu sareeyey kula dabaashaan baddooda qiimaha badan,  oo daba socota dhiirigelinta iyo ka warhaynta Da’a yarta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ka hadlay dareenkiisa la xidhiidha inuu maanta dhiiri-geliyo Ardaydan Kulliyadda Badda, waxa uu yidhi waan ku faraxsanahay in aan galabta wakhti la qaato lana dabaasho kuna dhiiriyo dhalinyarada Dalka qaar ka mid ah inay dalkooda wax ku bartaan oo ay soo baxaa dhalinyaro aqoon dheeriya u leh baddooda, waxanan ku dhiirigelinayaa inta kale een nasiibka u helin inay bada wax ka bartaan inay ku dhiiradaan oo ay ku dedaalaan inay dalkooda wax u bartaan kuna kalsoonadaan oo aanay ka tahriibin naftoodana aanay haligin.

Madaxweynuhu waxa uu wakhti dheer ku jiray badda isaga oo ay wehelinayaan qaar ka mid ah golaha wasiirada iyo taliyeyaasha Ciidamada iyo xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha  .

IMG_0001 IMG_0006 IMG_0008 IMG_0024 IMG_0028 IMG_0049 IMG_0057 IMG_0073 IMG_0116 IMG_0127 IMG_0150 IMG_0173 IMG_0176 IMG_0197

Berbera SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed