Guddida Baadhista Xasuuqa Somaliland oo u mahad celiyay Xukuumadda iyo warbaahinta
Hargaysa 14.March 2014 (SDN)- Gudida baadhista xasuuqa ayaa u mahad celiyay xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, khubarradii beesha caalamka iyo warbaahinta maxaliga ah kaalintii ay ka geysteen hawl-galkii ay dib ugu aaseen 44 qof oo rayid ah oo Dawladdii Siyaad Barre ku xasuuqday Magaaladda Hargeysa.
Kulankan oo ay goob joog ka ahaaayeen dhammaan xubnaha gudida baadhista xasuuqa ayaa gudoomiyaha gudida baadhista xasuuqa Khadar Axmed Like waxa uu u mahad celiyey madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo golihiisa Wasiirrada oo uu tilmaamay si hagar la’aan ah gudida uga gacan qabtay dhinaca dhaqaalaha hawl-fulinta iyo taageero mooraalka ah oo uu la garab taagnaa mudadii ay wadeen baadhitaanka iyo markii dib loo aasayey dadkaasi.
Dhanka kalena Md Khadar Axmed Like waxa uu uga mahad-celiyey warbaahinta dalka kaalintii ay ka qaateen in beesha caalamka la gaadhsiiyo caddaymahii muujinayey xasuuqii Taliskii siyaad Barre ee dalka Soomaaliya uu u geystay shacabka Somaliland sideetamaadkii.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com