|

Madaxweyne Siilaanyo oo Salaadii Jimce ee Maanta kula Tukaday Bulshada Gobolka Saaxil Masjid ku Yaala Berbera SAWIRO

Berbera 14 .March 2014 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta waxa uu la tukaday Salaadii Jimcaha Dadweynaha ku nool Magaalada Berbera ee Caasimada Gobolka Saaxil, gaar ahaan masjidka Gobolka ku yaal ee la yidhaahdo Khaalid-Binu Waliid.

isaga oo madaxweynuhu salaada ka dib soo dhawayn balaadhan kala kulmay dadweynihii kula tukanaayey masjidka oo soo buux dhaafiyey agagaarka masjidka iyo gaadhigii uu watay madaxweynuhu oo ahaa mid aanay la socon Ciimado balse ay la socdeen uun masuuliyiinta Gobolka heer degmo iyo Heer gobolba, sidoo kale waxa madaxweynaha salaada ku wehelinaayey xubno ka mida Golaha wasiirada ee Madaxweynaha ku wehelinaaya safarkiisa shaqo ee uu maalmahanba ku joogay Berbera lana filaayo inuu uga sii Gudbo Gobolada Dalka gaar ahaan Bariga inuu uga sii Gudbo.

Dhinaca Masjidka uu madaxweynuhu  kula tukaday shacbiga waxa khudbadii Jimcaha ka akhriyey Sheekh Suleebaan Siciid Cali ahna Isu-duwaha Wasaarada Diinta Awqaafta ee Gobolka Saaxil.

IMG_0041 IMG_0047 IMG_0050 IMG_0054 IMG_0059 IMG_0063 IMG_0065 IMG_0071 IMG_0074 IMG_0077 IMG_0078 IMG_0080 IMG_0092 IMG_0095 IMG_0096 IMG_0100 IMG_0103 IMG_0111 IMG_0114 IMG_0119

Berbera SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed