|

Madaxweyne Siilaanyo Oo Berri Safar Diyaaradeed Ku Tegi Doono Ceerigaabo iyo Agabkii Dhismaha Waddada Sanaag iyo Togdheer Oo Horraantoodii Halkaas Gaadheen

Berbera:14-March-2014 (SDN)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo, oo Wali ku jira Safarkiisii uu Gobolada Dalkka ku soo Marayey, ayaa Haatan u diyaargaroobay inuu Gaadho Gobolada Bariga Fof fog ee Sanaag.

madax safarMadaxweynaha oo Habeenkii Xalay ahaa Joogay Magaalada Berbera ayaa Wararka ay qurbjoog.com helaysaa waxa ay sheegayaan inaanu Mari doonin Waddada dheer ee Rafka ah ee Ceerigaabo Tagta, balse uu Raaci doono Diyaar Halkaas Gaadhsiisa.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu Maalinta Berri ah ka Amba baxo Halkaas, isagoo ku jihaysan Magaalada Cerigaabo oo si weyn looga wada abaabul ballaadhan oo soo Dhaweyntiisa la xidhiidha.

Madaxweynaha oo ay Haatan la socdaan Wafti Aad u Ballaadhani ayaa waxa lagu wadaa inaanay Dhammaantood la raaci dooninn diyaariyadda oo qaarkood caasimadda ku soo Noqon doonaan, halka kuwa kale oo koobanina ay Safar dhinaca  dhulka ah Geli doonaan.

ujeedada Safarka gobolada galbeedka dalka kolka laga yimaado, socdaalka dhinaca Ceergaabo ee madaxweynuhu u xadhko xidhay ayaa ula-jeedkiisu yahay dhagax dhiga mashruuca bilowga dhismaha wadad ceergaabo, iyadoo Qalabkii Halkaas lagu dhisayeyna Haatan Horraantiisii Gaadhay Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa  Doorkan Maanta ah Reer Ceerigaabo ula Tegayo Niyad wanaag badan iyo farxad ka badan middii uu hore ku qaabili jirey, iyadoo sababtuna Tahay inuu si rasmi  ah ugu dhagax dhigi doono waddada Ceerigaabo iyo Burco oo La filayo inay si degdeg ah u bilaabmi doonto.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed