|

Shacabkii Ka Baracay Buullaburde Oo Baaq Loo Diray Iyo Xaaladda Deegaankaas Oo Saaka Deggen

Buulaburde:14-March-2014(SDN)-Kadib Gacan ku Dhigistii Magaalada Buulaburde Ee Gobolka Hiiraan, ayaa La Ogaaday in Shacabkii Halkaas Degenaa ay Dhammaantood ka Wada Baxeen, Maadaama Alshabaab ay Amarkaas Bixisay.

qaqaxGaanshaanle sare C/laahi Bare oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ku sugan degmada Buulabarde ayaa ugu baaqay Shacabkii Degmada ka Barakacay in ay Dib Degmada ugu soo laabtaan oo ay Ammaan iyo deggenaansho Buuxa ku heli doonaan..

 

C/laahi Bare ayaa sheegay in Dadka loo baahan yahay in ay Dib ugu soo laabtaan Degmada oo Dowladda Soomaaliya ay gacansiiyaan si Shabaab guulo looga gaadho, waxana uu Ballan qaaday inay Magaalada si weyn u xasilin doonaan oo aanay jirin wax haatan Shacabku ka Cabsadaan.

 

Dhanka kale Gaanshaanle  sare C/laahi Bare ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku wajahan yihiin Deegaanada Maxaas iyo Jalalaqsi oo ka tirsan Gobolka Hiiraan balse Haatan wali ku jira Gacanta Ururka Alshabaab.

 

Deegaanka Buulaburde ayaa Saaka Deggen, waxana Ciidanka ka Muuqda Feejiignaa badan, waxana ay wadaan baadhitaano Badan.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed