Qaramada Midoobey oo Xayiraadii ka Qaaday Mulkiilihii Barakaad oo eedaha loo heystay ay ka mid ahaayeen Taageerada Al Shabaab iyo khal-khal gelinta Somaliland
New York Mar 14,2014(SDN)-Guddida la socodka cunaqabateynta Hubka ee Qaramada mada bidoobay ee Soomaaliya oo shaaciyay in ay diwaanka xanibaada ka rogeen Ganacsade Soomaaliyeed oo guddidu hore u sheegtay in xiriir dhaw la leeyahay.
Gudida ayaa hore Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale ugu eedeysay in uu ka tirsanaa hogaankii Maxkamadihii Islamiga Muqdisho,taageero dhaqaale siin jiray Shabaabka,uu isagu leeyahay nidaamka xawaladeed ee ZAAD isla markaana uu gacan ka geystay qalalaase gelinta Somaliland.
Ganacsade Axmed Nuur Jimcaale oo haatan ku nool Jabuuti ayaa QM ay sheegtay in uu Shabaabka dunida carabta uga ururin jiray lacago ay hawlgaladooda ku maalgeliyaan.
Ganacsadaha ayay QM sheegtay in uu isagu leeyahay nidaamka xawaaladeed ee ZAAD oo haatan aad looga isticmaalo dhulka Soomaalida ee geeska Africa.
Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in Axmed Nuur Jimcaale uu dalka Jabuuti oo dhalasho siisay uu sanadii 2007dii ka diwaan geliyay shirkad la yiraahdo Investors Group oo ujeedkeedu ahaa in lagu khal khal geliyo Somaliland.
Investers Group ayaa hub ay ka soo iibiyaan dalka Eritrea Soomaaliland dhex marin jiray oo geyn jiray dalka Itoobiya kuna wareejin jiray jebhada ONLF sida QM ay shaacisay.
Gudida la socodka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya ayaa qoraal ay baahiyeen bishan 11keedii waxa ay ku sheegeen in Ganacsade Axmed Nuur Jimcaale diwaanka cunaqabateynta.
Talaabadan ayaa Soomaali faro badan ka yaabisay ka dib eedo xag jirnimo oo ay shakhsigan u jeedinayeen sanadihii ina dhaafay ka dib.
Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale dhawaan dawlada Soomaaliya u fasaxay in ay hubka qaar la soo degto ka dib kolkii ay soo baxday in dawladu ay hub ay soo iibsatay uu gacanta Shabaabka ku denbeeyay.
Soomaalida ayaa haatan waxa u soo baxaya in Qaramada Midoobey iyo dalalka sheegta in ay daneeyaan Soomaaliya in aaney danta isku si loo aqoon.
SDN-New York