BURCAD DHULEEDKA HARGEISA :LOOLANKA WASIIR KKALIIF – MAYOR SOLTECO & XILDHIBAAN TIMACADE
Waxa Hargeisa ka dilaacay koox dilaalin ah “ Real Estate Brokers” oo ku gaashaaman Telefoonka Gacanta iyo gawaadhi yar-yar oo Grande ah . Waxay xafiisyo ka furteen Degmooyinka Kood-Buur, Gacan Libaax . Waxa kale oo ay laba Xafiis ka furteen London iyo Dubai.
Waxay diiradda saaraan dhulka ay ka maqanyheen qurbjoogto .Kooxdaas dilaalinta ahi marka ay hawsha soo dhamayeen waxay ku wareejiyaan Agaasime- ku-Xigeenka Qorshaha & Fidinta Caasimadda Hargeisa . Markuu dhameeyo farsamaynta iyo sharci-waafajinta beenta ah, waxa wada saxeexa Guddoomiyaha Guddiga Dhulka Xildhibaan Timacadde iyo Mayor Solteco.
Dhulka aad loo baadi gooba waa Shacab Area , Badda Cas iyo agagaarka Mansour Hotel . Ilaa iyo hadda waxa la iibiyay dhul qurbajoogoto ka maqan-yaheen oo kor u dhaafayaa 22 bloodh ,qiimahooduna gaadhaayo $ 980,000/=.
Dacwado badan oo boobkaas ku saabsan ayaa iminka horyaalla Maxkamadda Gobolka, laakin wax rajo ah lagama qabo . Markii uu boobku saameeyay Dhulka Hantida Guud, waxa uu Wasiirka Hawlaha Guud soo saaray amar uu ku xakameeyo Budhcad dhuleedka , waxaanu la galay dagaal culus , oo laga yaabo inuu ku guul daraysto. Hadaba,waxa iswaydiin mudan cidda u heelinaysa danyarta iyo Qurbajoogta dhulkoodi la Xaraashay ? Muxuu qabtaa Xafiiska la Dagaalanka Musuq-maasuqu ? Xisbiyadda qaranku maxay uga aamuseen budhcad dhuleeka Dawladda Hoose ee Mayor Solteco& Xildhibaan Timacadde?
ABDI KAHIN ,HARGEISA.