KULMIYE WAA XIGBIGII KULMIYEY DHALINYARADA SOMALILAND IYO SIYAASADA
Bismilaahi raxmani raxiim, marka hore waxaan salaamayaa dhamaan bahda Hadhwanaagnews iyo akhristayaashaba ( Asc )waxaan jecleystey in aan xalkan idiin kusoo gudbiyo aragtideyda kooban ee ku wajahan Asxabta qaranka iyo kaalmaha ay kaga jiraan dhalinyara Somaliland.
Wuxuu qalinku saaka ila galey xalkaas iyo siyaasadii oo aan jecleystey in aan wax kooban ka idhaahdo aragtideyda gaaban ee ku waajahan xisbiyadii kala duwanaa ee soo maray iyo xalka manta ay kaga jiraan dhalinyaradu guud ahaan siyaada Somaliland.
Waxaan ciwaankas maqalkeyga uso qaatey kadib markii aan mudo kusameynayey dabagal iyo xog uruursi kusaabsan asxaabtii kala gadisaneyd ee soo marey Somaliland iyo sida ay uuga dhex muqdeen ama ay u horumariyeen dhalinyarada Somaliland.
Waxaan ogaaday in xisbiga kulmiye yahay xisbigii isagu balan qaad la taaban karo u sameeyey dhalinyarada Somaliland mudoyinkii uu kujirey tartanka madaxtooyada, Sida aynu ognahay barnaamijka ololaha xisbiga Kulmiye waxaa uu ballan qaaday in da’da 35 sanno ah laga dhigo 25 sanno, dedaal badan ayaanay xisbiga Kulmiye, xukuumadiisa iyo xildhibaanadiisuba u galeen sidii arrintaasi meel mar u noqon lahayd, maantana weynu aragnaa Wasiirada,wasiir kuxigeenada,Mayorda,Mareeyayaasha,Agaasimayaasha guud,iyo xildhibaanada golaha degaanka Somaliland sida ay uuga dhexmuqdaan ama uuga talinayaan dhalinyaradii Somaliland taas oo ahayd aragti uu xisbiga kulmiye lahaa oo uu gadhwadeen inooga ahaa Madaxweyne Ahmed Silanyo. Aragtidii uu xisbigu qabey ayaa ahayd in Dhallinyarada Somaliland ay yihiin hogaamiyeyaasha berri iyo xooga maanta. Sidaa daraadeed ay waajib tahay in lagu barbaariyo hogaanka dalka. Xisbiga kulmiye wakhtigii uu mucaaridka ahaa ayaa wuxuu qimeyn weyn kusameeyey sida dhalinyarada Somaliland muhiim uugu tahay kaqayb qaadashada talada dalka iyo uuga faa’ideynta qaranka Somaliland Aqoontooda, Wakhtigooda, Xoogoda, iyo sidoo kale aragtidooda cusub ee ku waajahan Techology-da.
Waxaan sidoo kale ku ogaaday markii aan il naxariis leh ku eegey dawladihii ama asxaabtii qaran ee kala gadisana ee ina soo marey,iyada oo aanan hilmamin in dawlad walba duruuf iyo xaalad dhaqan dhaqaale ku xeerneyd hadana waxaan ogaaday in xisbigi Udub uu wadanka ka hirgeliyey hanan dimuqradiyeed oo aynu iskeen u qabsano doorasho xor iyo xalal ah kaas oo soo qabtey doorashooyin kala gadisan oo runtii aynu dareemi karno hawsheeda iyo culeyskeeda hada waxaa lagama maar maan noqotey sida xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisu uu yahay xisbigii kulmiyey ama u suurto galiyey dhalinyarada somalialnd kaqayb qaadashada talada dalka.
Xisbiga Kulmiye, xukuumadiisa iyo xildhibaanadiisa wakiiladu dedaal badan ka dib waxa hirgelyen ballan-qaadkii xisbiga ee ahaa in dhallinyarada fursad loo siiyo in ay ka qayb qaataan hogaaminta dalka.
Xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisa waxa kale oo ay hore u fuliyeen balan-qaadkii furista ururada siyaasada, taasina waxay ahayd wixii xukuumada iyo xisbiga kulmiye ay balanqadkii in ay hirgelinayso barnaamijka xisbiga lagu doortay, waxa kale oo ay muujinaysaa dimuquraadiyada iyo tallo wadaaga dalka lagu hogaaminayo.
waxaan amaan gaar ah usoo jeedinayaa dhalinyarada iyagu muraayada u noqotey kana turjuntey awooda ku jirta dhalinyarada Somaliland ee uu hormodka u yihiin Wasiira,W.kuxigenada,Mayorada dalka,Mareyayasha wakaaladaha kala gadisan ee Somaliland,Agaasimayaasha guud ee kala gadisan ee wasaarada Somaliland oo runtii inaga turjumey sawir qiimo badana inaga bixiyey mudana dhalinyaro ahaan amaan gaar ah hadii ay ku fashilmi lahayeen saaxada siyaasada inoo mey suurto gasheen hamigeena ku wajahan siyaada iyo kudhiirashadeeduba.
Sidoo kale waxaynaan xaqiri Karin ama bogaadin badan u baahan horumarka ay xukuumada Madaxweyne Ahmed Silanyo ka wado guud ahaan Somaliland kaas gar ahaan kuwajahan dhismaha wadooyinka, oo mudooyinkii ay hay’ada wadooyinka Somaliland madaxa banaaneyd aaney marna kamidho dhalin kashaqaynta wadooyinka caasimada waxaan aragti ahaan qabaa mudadii u madaxweynuhu hoosgeeyey madaxtooyada hay’ada wadooyinka in ay fuleen barnaamijyadan bilicda caasimada oo runtii ay haboon tahay in aynu ku bogaadino kuna garab istaagno xukuumadeena sidoo kale dhismayaasha wasaaradaha qaranka.waxaab si aad ah uuga mabsuudey sida loo qurxiyey ee kol loogu qaadey bilicdii dhismayaashi xarumaha hay’adaha dawlada Somaliland.
Waxaa sidoo kale ah wax lagu farxo dimuqradiyada kadhexjirta xisbiga kulmiye taasi oo sheegeysa kii shalay soo galay iyo kuwii asaasey in ay usiman yihiin, isku soo sharaxidda ama u tartamida jagadda madaxweynaha, han siyaadeedna igu jiro musqabalka waxaa isoo baxdey in Xisbiga kulmiye uu yahay xisbiga an isleeyahay aad ka mid noqotid aragti ahaan,aqoon ahaan, waayo aragtimo ahaanba, aan isleeyahay waad kula midoobi kartaa. Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muj-muse biixi aan qabo in uu yahay ruug cadaa u bislaadey siyaasada iyo kamidho dhalinta ahdaafta xisbiga iyo horumarkiisaba.
Wabilaahi tawfiiq
Eng.Hussein Ibrahim Buuni
Email: hussein_ix@hotmail.com
Tell: +252-63-4419379