|

Guddida Baadhista Iyo Daba Galka Xasuuqii ka Dhacay Somaliland Oo Sheegay Inay Dhawaan Baadhista Xabaal Wadareedyada Xasuuqa Ka Bilaabi Doonaan Gobolada Somaliland

 13 2014 march ( SND)-guddida baadhista iyo daba galka xasuuqii ka dhacay  wadanka Somaliland ee ay gaysatay  dawladii Siyaad Bare ayaa mahad naqay cid kasta oo gacan ka gaysatay sidii ay u baadhi lahaayeen xabaal wadareedyada ay ku aasan yihiin dadkii la xasuuqay.

Guddidan oo maanta shir jaraa,id ku qabtay xaruntooda magaalada Hargeysa ayaa waxay u mahad celiyeen madaxweynaha Somaliland iyo wasiirkiisa cadaalada oo ay sheegeen inay si buuxda gacan uga siiyey sidii loo baadhi lahaa xabaal wadareedyada.

Gudoomiyaha guddida baadhista iyo daba galka xasuuqii ka dhacay Somaliland Cabdirashiid Maxamed  Daahir oo ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa waxa uu sheegay inay baadhis balaadhan ka samayn doonaan guud ahaanba dalka Somaliland isaga oo tilmaamay suura galnimada in laga helo xabaal wadareedyo, waxaanu sheegay  inay dhawaan ay u  gudbi doonaan gobolada kale ee dalka.

Sidoo kale waxa shirkan jaraa,id ka hadlay xubno ka mid guddida baadhista iyo daba galka xasuuqiii ka dhacay Somaliland iyada oo u mahad naqay cid kasta oo gacan ka gaysatay 44-kii qof ee ay dhawaan soo faqeen, isaga oo tilmaamay in madaxweynaha qaranku uu ka gaystay gacan maaliyadeed iyo mid taageero ahba.

Guddidan ayaa dhawaan Aas qaran u samaysay 44 qof oo ay ku soo saareen baadhis dheer ka dib waxaanay sheegeen in dadkaasi la soo saaray lagu aasay xabaal wadareedyo isla markaana ay ka mid yihiin malaayiin dad ah oo ay xasuuqday dawladii kali taliska ahayd ee Siyaad Bare.

 

Hargaysa SND.XXXXXXXXXX

Comments are closed