|

Duyuuradii Malasiya Air ee la waayay oo burburkeedii wax u eg la arkay

Kuala Lumpur Mar 13,2014(SDN)-Dawlada dalka China ayaa shaacisay sawir burbur oo badda Bariga China dul heehaabayamaalmo ka dib kolkii duyuurada mar qura la waayay meel ay martay.

Duyuurada oo nooceedu ahaa Boing 777 oo duulimaadkeedii MH370 ayaa ka duushay Kula Lumpur kuna sii jeedeeyay Beijing waxaana la socday 239 ruux oo ka soo kala jeeday ilaa 14 dal.

Sawirada China shaacisay oo uu qaaday mid ka mida Satelite yada dalkaasi ayaa muujinaya wax u eg haraagii duyuurada balse aad uga balaaran qeybaha duyuuradu ka koobneyd.

Ciidamada dallaka Malasiya iyo Vietnam oo maalmoba haatan baarayay meesha haatan sawirkani uu ka hadlayo ayaa sheegay in ay dib u booqan doonaan goobta.

Xogta ku saabsan duyuurada ayaa in badan is bedbedashay ka dib hadalo kala duwan oo ka soo baxayay dalalka China iyo Malasiya.

Ehelkii iyo qaraabada rakaabkii duyuurada ayaa caro weyn ka muujiyay sida ay u socdaan hawlaha lagu baadi goobayo duyuurada.

SDN-Kuala Lumpur

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed